AKHRI:Tilmaamaha Guusha Ganacsiga waxne ka baro…

0
811

Hadaba sidee ayaad cagta usaari lahayd dariiqa guusha ganacsi ama shirkadd?. Si su’aashaa aan uga jawaabno waxaan u baahan nahay in aanu aan wax ka soo qaadano waraysiyo la la yeeshay dadkii inooga horeeyay dariiqaa ee ku guulaystay in ganacsigoodu uu hore u maro.

Neils Bohr : khabiir waxaa layiraahdaa qofka sameeya qalad ee wax ka barta.

Rober Allen : majirto wax guuldaro layiraa waa uun natiijo ama jawaab kuu soo baxday wixii aad tijaabisay.

Sergey Brin : sergey waa ninka aasaasay GOOGLE. Waxaana uu yiri dadku waxaa ay had iyo jeeraale isku dayaan waxyaalo cusub. iminka, dadka guulaystaa waa keliya dadka khibrada ama garaadka sare leh.

Terry Leahy : waa CEO hore ee dukaanka weyn ee Tesco wuxuu retire noqonayaa sannadkan, wuxuu shaqada ksoo bilaabay nadiifiye (cleaner) isla dukaanka Tesco. Waxa uu rabay in uu Tesco shaqo kale u qabto laakiin waa la diiday. Waxa uu daba taagnaadaba kolba heer soo maraba waxuu noqday CEO Tesco, Mushaarkiisu waxay ahayd 1.3 million pound sannadkii.

Michael Dell : waa ninka aasaasay shirkadda ugu weyn adduunka dhinaca computers ee loo yaqaan DELL. Dell waxaa uu yiri ha ka cabsan in aad fashilanto. Shaqada halkaa kasii wad, tijaabi ka faaidayso waxna ka baro wixii aad ku fashilantay. Sida aad ugu celcelinayso waxaad la kulmaysaa meelo jaanis leh, laakiin haka cabsanin in aad guuldaraysato waayo waxa baad ka baranaysaa.

A.T.Martin : dariiqa ugu dhakhsaha badan ee aad ku dhisi karto ganacsi guulaystaa waa adoo hore ka guuldaraysta ama fashilma.

Steve Case : steve Case waa CEO shirkadda weyn ee AOL. Waana nin caan ku ah dhinaca maamulka waxaa uu yiri: waa ay yaryihiin run ahaantii dadka diyaarka u ah in ay khatar qaadi karaa (risk takers) waxaan shaki ku jirin in ay dadyari uun adduunka saamayn ku yeelanayaan.

Mohamed alfayed : arinta ugu muhiimsani waa nicmada ALLAAH haddii aad ALLAH rumaysan tahay nafdaadana rumaysan tahay majirto wax laga warwaraa.

Henry ford : maanta dadka badankiisu waa ay yaqaanaan shirkadda Ford ee baabuurta samaysa, run ahaantii bilogii ganacsigiisa waxaa uu guuldaraystay dhawr jeer inta aanu aasaasin shirkadda weyn ee baabuurta ee Ford. Waxaa kala oo laga hayaa Henry Ford oraahda ah fashilku waa meel lagu nasto, waana jaaniska aad markale si xikmad leh wax uga bilaabi kartid.

Bernard Arnault : waxan jecelahay in aan dadka u sheego in dhamaan badeecadayada iyo ganacsigayaguba waxaa ay martaa saddex waxyaalood oo ah, aragti (vision), sabir, iyo fulin (execution).

Philip green: waa ninka 9 aad ee ugu dhaqaalaha badan UK. Waa ninka iska leh Arcadia Group. Afar ganacsi ayuu ku guuldaraystay ka hor intii aanu noqon millionare. Hadda waa billionaire.

Bob Brown: waa siyaasi u dhashay Australia, waxaana uu yiri ninkasta oo guulaystay waxaa soo maray sannado badan oo guuldaro ah.

Bill Gates : waa ninka iska leh Microsoft oo ah shirkadda ugu weyn caalamka ee dhinaca Software. Waxa uu yiri haddii aad rabto in aad guulweyn gaarto waa in aad guuldaro weyn qaadaa (big risks).

Stanley : waqtiga ha iskaga lumin in aad daboosho guuldarada kusoo gaarta (failure). Casharo ka baro guuldarada ha kuu noqoto casaharka ugu fiican ee aanad cidna ka hesheen kedibna ugudub talaabada labaad. Dhib mala in la guuldaraystaa mar iyo laba iyo saddexgoorba. Haddii aanad guuldaraysanayn kor uma socotid guushuna kuuma dhawa.
Kay: marka aad la kulanto xanibaad ama caqabad isku day in aad waddo kale uga wareegto, waxaad haysataa ikhtiyaar aad wax ku doorato waxaa suurto gal ah in aad ka guulaysato xanibaadaa oo aad noqoto guulayste (winner) iyo in aanad waxba isku dayin oo aad noqoto mid guuldaraysta (loser). Waxaa fiican in aad ku nasato dariiqa guusha intii aad la fadhiyi lahayd guuldaro.
Robert kiyosoki : kuwa fashilmaa waa kuwa isdhiiba marka ay guuldaraystaan. Kuwa guulaystaa isma dhiibaan ilaa ay ka guulaysanayaan.

Warren buffet : warren waa raga adduunka ugu dhaqaalaha badan waxaana uu yiri: khatartu waxaa ay ka timaadaa aqoon la’aan ka timid waxa aad samaynayso oo aanad aqoon.

Alan Bond : waa aasasaha shirkadda Bond Corporation waxaana uu yiri had iyo jeeraale waxaan u shaqeeyaa si adag oo aad u adag, markasta oo aan xoog u shaqeeyo waxaan usii dhawaada guusha. Waxaa kale oo uu yiri qofkasta oo ganacsi sameeyaa waa uu qaldamaa.

Rich Dad : guushu waa macalin yar, waxaynu wax badan baranaa marka aynu guuldaraysano, markaa haka cabsan guuldarada (failing). Guuldaradu waa hababka dariiqa guusha. Mana guulaysan kartid hadaanad guuldaraba arag.

Terry Paulson : kuwa guulaystaa (winners) waxa ay guuldarystaan in kabadan kuwa guuldaratysa. Waa ay guulaystaan hadan guuldaraystaan waana ay wadaan ilaa guushu si buuxda u timaado.

Fredrick. W : majiro qof horumar weyn gaaraa amaba wanaag ilaa uu soo maro amaba uu soo sameeyo qaladaad waaweyn.

Michael Jordan : waan aqbali karaa guuldarada, qowaliba wax uun buu ku guuldaraystaa laakiin ma aqbali karo in aanan isku dayin marlabaad wixii aan ku guul daraystay ilaa inta aan ka guulaysanaayo.

Kamprad : kuwa hurdaya keliya ayaan qaladaad samayn. Tusaale ahaan haddiiba qofku aanu waxba isku dayin mayeelanaayo qaladaad amaba ceeb waayo waaba qof iska fadhiya.
Carnegie : dadka guulaystaa badanaa waa dadka hal layn (one line) qabsada ee kumintida kuna adkaytsa laynkaa ilaa ay ka guulaysanayaan.
Bill Gates: rumayso wararka dacaayadaha ee lagaa sheegaayo waayo waxaad ogaanaysaa meelaha u baahan in aad horumar ka samayso.

L.Ellison : markaad fikrad fiican oo ganacsi abuurto ama aad keento waa in aad u diyaar garowdaa in wax lagaa sheego oo lagu yiraa waxaa tahay wax waalan. Badanaa qofka kor usocda wax baa laga sheegaa ama waa la cambaareeyaa.

Adduunkan aan joogno waxwaliba waa tijaabo, tijaabana waa in aad guulaysato iyo in aanad guulaysan. Guusha saxda ahina waa adoo meel ku fashilma laakiin ka faaidaysta oo aan is dhiibin. U fiirso shay wal oo la soo saarayo shaybaar ayaa la geliyaa intaas oo goor ayaa lagu celceliyaa gebogebadana waa lagu guulaystaa.

Xigssho M. Mus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here