Madax Waynaha Somaliland Ee Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Kooxaha Xulalka Gobolada Awdal Iyo Saaxil Ee Ku Kala Guulaystay Koobabkii Ciyaaraha Gobolada SL

0
635

Taariikh:15-11-2016

Waxaa dhawaan la soo gabagabeeyay tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland oo ka koobnaa kubbada cagta, Koleyga iyo orodka noocyadiisa kala duwan, waxaana qasriga madaxtooyada Somaliland kooxaha koobabka ku guulaystay ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, wuxuuna waqti la qaatay kooxihii guulaha ka soo hooyay ciyaarihii kala duwanaa ee dhawaan la soo gabagabeeyay.

Xulka gobolka Awdal ayaa ku wada guulaystay tartankii kubbada cagta iyo orodka ee ciyaaraha gobolada Somaliland halka xulka saaxil uu ku guulaystay koobka kubbada Koleyga ee lagu soo gabagabeeyay Tima-Cade Stadium wuxuuna madax wayne Siilaanyo uu dhiiro galin wayn siiyay kooxaha guulaha ka soo hooyay tartankii ciyaaraha Gobolada Somaliland.

sl

Madax wayne siilaanyo iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadisa oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Somaliland ee Cabdilaahi Faarax Maydhane waxaanu madax waynaha uga warbixiyay ciyaartoyda iyo kooxaha madaxtooyada lagu soo dhaweeyay wuxuuna yidhi “Madaxweyne waa ciyaar yahanadii Awdal ee kubadda qaaday iyo kuwii orodada qaaday iyo kuwii baaskidka qaaday ee Saaxil oo kaaga mahadcelinaya martiqaadka sagootiska ah ee aad u samaysay xulalkaasi”

55Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ee Maxamuud Xaashi Cabdi oo madasha ka hadlay ujeedada kulanka madaxweynuhu la yeeshay ciyaartoyda wuxuuna yidhi “ Mudane Madaxweyne maanta waxa halkan inoogu marti ah, ciyaartoyadii xulalka gobollada Awdal iyo Saaxil, ee ku guulaystay koobkii kubada cagta, koobkii kubada kolayga, iyo orodada. Waxa uu saaka halkan Madaxweynuhu idiinku marti qaaday in uu idiin hambalyeeyo idiina sii duceeyo, farxad weyn ayey noo tahay inaad maanta qasrigii Madaxtooyada qarankeena noogu timaadaan nuxurka ugu wayni waxa weeye in laydin xuso.”xaashi
Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay Qiimaha ay leedahay maamuuska uu madaxweynuhu u samaayey ciyaartoygaasi waxaanu yidhi “ Hogaamiyaha qaranku waa astaanta Umadda midaysa, Umadda halka looga talinayaa waa halka umadda magaceeda iyo maamuuskeedu uu yaalo, waa wax weyn in dadka la maamuuso, Qaran waliba uu dadkiisa maamuuso, waxana looga yeedhaa oo lagu maamuusaa qarankooda halka looga taliyo, waxana maamuus ugu sareeya marka hogaamiyaha Umaddaasi uu isagu maamuuso, arrintaas waxaan jecelahay inaan dhalinyarada hoosta uga xariiqo, waxa laga yaabaa in qaarkiin aanay micno wayn idiin samayn Karin, laakiin micno ayey xambaarsan yihiin kulamada noocan ahi.”4

Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “ Waxaan hambalyeynayaa ciyaartoyadii xulalkii koobabka ku guulaystay. Tartankii ciyaaraha gobolada dalku waxa uu ahaa tartan aad u qiimo badan, maalintii la furayna waanu ka qayb galnay anagoo wafti badan oo madaxweynuhu na hogaaminayo ah, maalintii la xidhayna waanu tagnay, wuxuu ahaa tartan qiimo badan oo isbadal weyni ka muuqdo qaabkii tartamada loo qaban jiray.”22
Wasiirka madaxtooyada Sl ee Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa geesta kalena shaaciyey in Xukuumadu ay waddo qorshaha qabashada tartanada kooxaha heerka koowaad waxaanu yidhi “ Mustaqbalka waxaanu Xukuumad ahaan seeska u dhigaysaa oo Wasaaradda ciyaaruhu ay wada in tartanadii heerka koowaad (Serie A)-da, la qabto oo aanay noqon kuwo baaqda, qaranka gobol walba laba kooxood laga sameeyo ka dibana kolba gobol lagu ciyaaro, aakhirkana ay noqoto sida loo kala dhibco badan yahay, sidaas ayey wasaaraddu wada, anaguna waanu ka caawinaynaa, waanan u mahad naqayaa masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa xidhiidhada oo diyaar garow fiican ayey sameeyeen”sl

Madax waynaha Somaliland oo finalkii ciyaaraha gobolada Somaliland ku daawaday Hargaysa Stadium isla markaana koobabka iyo biladihii lagu guulaystay bixiyay oo kulankan soo xidhay ayaa yidhi: “farxad weyn ayey ii tahay in aynu maanta halkan ku kulano, ciyaaruhuna aad ayey ahmiyad weyn ugu leeyihiin qarankan, tartanka ciyaaruhuna ahmiyd weyn weyn ayuu u leeyahay dhalinyarada iyo dalka iyo guud ahaan ciyaaraha kala duwani, annaguna dawlad ahaan waanu dhiirigelinaynaa, tiimamkii ku guulaystayna aad iyo aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa ka xukuumad ahaan”.

dsc_0002-7

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “sidoo kale kuwii laga adkaadayna waan hambalyeynaynaa, qaranka ayey muhiimad gaara u leeyihiin ciyaaruhu waana is dhexgalka bulshada, waxaana naga go’an in aanu sii wadno dhiirigelintaas waanad mahadsan tihiin tiimamkiina guulaystayna waxan leeyahay mar kale hambalyo hambalyo”. Waxaana sidaasi ku soo xidhmay kulankii madaxweynuhu la yeeshay ciyaar yahanada gobolada Awdal iyo Saaxil oo ay wehelinayaan maamulka wasaarada ciyaaruhu.

Halkan Ka Daawo muuqaalka Madax Wayne Siilaanyo oo Madaxtooyada ku Qaabilay Ciyaartoyda Kooxaha Awdal iyo Saaxil iyo warbixin uu TV-ga Qaranka Somaliland ka diyaariyay isla markaana uu soo jeedinayo Axmed Saki Daahir Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here