Maxay tahay Sababta Waqooyi Nabad u tahay, Koonfurna coloodi ooga dhamaan???

0
437

 

Marar badan waxaan maqalnaa soomalida konfureed oo kuu eedeeyo walaalahooda waqooyi inay ku lugleeyihiin rabshadaha iyo colaadaha ka jiro koonfurta soomaaliya. Reer koonfurka wax yaabaha ay cadayn uga dhigaan jiritaanka hagardaamada reer waqooyiga (waa sida dadka qaarkii u arkaan) waxaa ka mid ah inaysan colaad ka aloosnayn dhulkooda kuwooda dhib wadayaalka ahna ay kusoo safriyaan xaggaa iyo koonfur.

Hadaba qoraalkan wuxuu isu dayaayaa inu buriyo fakarkaas uuna cadeeyo in dhibtu aysan ahayn shirqool iyo hagardaamooyin ay maleegeen reer waqooyi ee uu yahay habacsanaan iyo talaabo gaabni ka timid culumada iyo wax garadka reer koonfureed. Si aan taasi u iftiimiyo waxaan samayn toonaa tix raac taariikheed oo tilmaamayo heerka kala duwanaansha uu gaarsiisan yahay iyo saamaynta uu ku leeyahay nabada iyo horu marka.Ujeedka qoraalkaan maahan in cid lagu duro ama lagu ceebeeyo, balse mid loola jeedo in wax la isku tusso qaladaadka jirana si waafi ah loogu iftiimiyo, xalkana meesha uu u jiro laga raadiyo.

Bulshada soomaaliyeed waxaa waqtiyo kala duwan soo wajahay qataro is daba socday, marar badana waxay isku si u camimeen dhamaan dhulka soomaaliyeed. Qatarahaas waxay isugu jireen kuwa dhib ku ahaa nafta iyo nolosha ummadda soomaaliyeed sida duulaankii guumaystaha reer yurub iyo kii xabishada, colaadaha aan dhamaadka lahayn ee soomalida dhexdeed ah ee ilaa manta taagan; qaarna waxay qatar ku ahayeen dhaqanka ummada soomaaliyeed iyo diintooda sida soo bixitaanki heesaha iyo faafinta diimaha aan xaqqa ahayn. Wax yeelada dhibaatooyinkaan waxay la ekaayeen hadba sidii ay isaga caabiyeen dadka deegaanka oo culumaddu ay hogaaminaysay. Baal aan eegno dhowr tusaale.

Furitaanki iskoolada reer Yurub

Soomaalidu waxay lahayd wax barasho iyo aqoon soo jireen ah oo ay hogaanka u hayeen culummadu. Aqoontaas oo ka bixi jirtay masaajida iyo madaarista ayaa lagu baran jirin diinta islaamka iyo culuumta kale aasaasiga ah sida xisaabta iyo juquraafiga. Laakiin markii uu wadanka qabsaday guumaystihii reer galbeedka, waxaa jiray isku dayo ahaa in iskoolo loo furo caruurta soomaaliyeed si loogu tarbiyeeyo u shaqaynta guumaystaha iyadoo la barayo maamulada casriga ahaa ee guumaytuhu hormuudka u ahaa. Iskooladaas inta badan waxaa hogaanka u hayay kaniisadaha waxaana wax ka dhigi jiray wadaado masiixiyiin ah oo faafin jiray diinta masiixiga.

Iskoolkii ugu horeeyay waxaa furay talyaaniga sanadii 1907, muddo yar gudaheedna waxay ku fideen meelo badan oo koonfurta soomaaliya ka mid ah. Ma jirin kacdoon iyo diidmo xoog badan oo ka timid wadaada koonfureed iyo wax garad kale toona. Ma jirin macalimiin la dhilay, mana jirin iskoolo la gubay balse melo badan waxaaba loo arkayay faaiido soo korortay sidaa darted si fudud ayaa looga aqbalay iskoolada koonfurta soomaalida. 1929 Kaniisadii Talyanigu waxay maamulaysay dugsiyo hoose oo badan kuna yaalay magaalooyinka Marko, Baraawe, Jilib, Afgooye, Baydhabo, Kismaayo iyo Raas Xaafuun iyadoo markii danbana ka furtay kaniisadu dugsiyo badan magaalada Xamar. Kaniisadu wax diidmo badan ah kalama aysan kulmin Soomalidii dhulkaas daganayd waxaana si fudud ugu suura galay isku daygeeda ahaa inay faafiso diinta masiixiga, iyadoo ogolaatay in caruurta Talyaaniga iyo kuwa soomaalidu isku fasal fadhiistaan. Hasa ahaatee markuu guusmaytuhu xididaystay wuxuu bilaabay inuu kala sooco oo ay yiraahdo waa dad kala sareeyo sidaa owgeed isku meel ma fadhian karaan. 1930 caruurta soomalida ee dugsdiyada kaniisada wax ka baranaysay waxay ahayd 1390 taaso gaartay 1776 arday sanadii 1939. Dhinca kale si uu ugu sawiro dadka wax ma kasta ah inuu talyaanigu yahay dan wadaha ummada, ayaa wuxuu dhisi jiray masaajidyo iyo mowlacyo kuwaasoo dadku u qaateen in ku taageeray fidinta diinta Islaamka.

Dhinaca waqooyi oo ingiriisku joogay dadaal dheer ayuu u galay in furu iskoolo maadi ah oo isaga hoos yimaado, balse kacdoono iyo diidmo xoogan oo ka timid culumada darted way suuroobi wayday in uu furo iskooladaas. Isku dayyo dhowr ah oo uu sameeyayna waxay ku dhamaadeen fashil iyo dhiig daato. Tusaale, 1905 Ingiriiska ayaa ka furay dugsiyo hoose deegaanada Berbera, Saylac iyo Bulla Xaar. Dugisiyadaan oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee dhulkaas laga hir galiyo waxaa si xoogan ooga hor yimid dadki deegaan iyagoo isticmaalay wax walba oo karaankooda ah si ay u xiraan. In kastoo ay in muddo ah furnaayeen ugu danbayn dugsiyadii waxaa loo xiray dhaqaale xumo darted iyo dadkii oo diiday inay ka qayb qaataan.

Sidoo kale, dadka daganaa gobolada waqooyi oo iyagu ka duwanaa kuwa koonfureed xaga ad-adayga diinta ayaa ku qasbay inuusan ingirriksu wax iskool ah ka furin dhulkaas iskaba daa inay kaniisadu maamushee. Sanadii 1920 isku day uu igrisku ku doonay inu iskool hoose ka furo Burco ayaa dhaliyay mudaharaadyo rabshado watto taasoo uu ku dhintay gudoomiyihii dagmada oo gaal cad ahaa, halkaas ayaana looga talabaxay isku daygaas. 1929 waxaa jiray dhowr dugsi oo ingiriiksu taageeri jiray kuwaasoo ay gacanta ku hayeen wadaado muslimiin ah caruurtana lagu bari jiray Carabiga, diinta iyo Xisaabta. Hase yeeshee Ingirisku waa u ahaan wayday inuusan wax dhaqankiisa ah carada ku talaalin sidaa darted 1935 ayuu isku dayay mar kale inuu hirgaliyo dugsiyo isaga si toos ah uu u maamulo waxaana Berbera laga furay dugsi cusub isaguna ma uusan cimriyin waxaana lagu qasbay inuu xiro.

Tani waxay muujinaysaa kala duwanaanshaha xaga aragtida ah ee u dhaxeeyay culumada ku kala noolayd koonfur iyo waqooyi iyo guud ahaan sida looga kala hor tagay qataraha xaga dhaqanka ah. Marki reer koonfureed ay u dulqaateen inay kaniisad caruurtooda wax barto reer waqooyi waxay diidanaayeen in la furo iskoolo soomaali dhigto balse Ingiriis maamulo iskaba daa inay kaniisad ama gaal caruur wax u baree.

Soo bixitaanki heesaha

Soomaalidu waxay lahayd cayaaro iyo heeso soo jireen ah. Gobol walba iyo deegaan kasta waxaa ka jiray ciyaaro lagu mashxarado, kuwo lagu madadaasho iyo kuwa lagu caweeyo siyaabo kala duwana loo samayn jiray. Dhamaan cayaaraha soomaaliyeed waxay ka midaysnaayeen inay lahayn muusik iyo qalab la garaaco, sidoo kale waloo ay jiri kareen wax diinta islaamka khilaafsan, hadana kuma badnayn culumaduna dhib weyn kuma qabin cayaaraha soomaalida.

Guumaystihii reer Yurub dhaqamada xun xun ee uu keenay Afrika waxaa ka mid ahaa heesaha muusiga la garaaco, raga iyo dumarkuna isku milmaan taasoo dhalin kartay fasaad dhaqan iyo mid diimeed labaduba. Dhaqamadaan fasaadka wato waxay ka bilowdeen dhulka soomaaliyeed oo dhan oo ay ku jiraan jabuuti iyo soomaali galbeed. Balse siyaabo kala duwan ayaa looga jawaabay, soo dhawayn iyo dagaal ayay labaduba la kulmeen. Bal aan eegno sida reer waqooyi iyo reer koonfur uga jawaab bixiyeen soo if bixii heesaha.

Fanka iyo heesaha markii ugu horaysay oo ay ka soo baxeen gobolada waqooyi waxaa si aad ah ula dagaalamay culumada. Balwada oo ahayd  cayaarti ugu horaysay ee aan waafaqsayn dhaqanki soomaalida ayaa ugu horayn kasoo muuqatay gobolada waqooyi waqti yar ka dibna waa dhimatay ka dib markii ay dagaal culus ku qaadeen culumadii goboladaas ku noolayd oo u arkayay fasaad umada ku baahayo.

Waqti yar ka dib baa’bii Balwada waxaa bilowday heesihii la magac baxay Qaraamiga kuwaasoo si dag dag ah ugu baahay inta badan magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolada waqooyi. Sidii oo kale ayay wadadu dagaal ku qaadeen balse uma sahlanaan inay si fudud sidii Balwadii u baabi’yaan iyadoo ay ugu wacnayd taageerayaasha qaraamiga oo batay iyo heesaha ay qaataan oo u muuqday kuwa ahaa baraarujin iyo wacyi galin ka dhan ah guumaystihii dalka joogay. Hadaba markay u muuqatay culumadii inaysan ku guulaysaynin la dagaalanka qaraamiga waxay dani baday inay la kaashadaan maamulkii guumaystaha ee dalka haystay kasoo aqbalay codsigii wadaada weerar culusna ku qaaday fanaaniinti hormuudka ka ahaa qaraamiga iyo faafidiisa. Halkaas ayaa mar labaad lagu soo af jaray fankii dardarta ku socday ee gobolada waqooyi.

Dhinaca koonfurta waxaa magaalada xamar ka bilowday jilida ruwaayadaha iyo qaadida heesaha masraxa sanadii 1930 kii. Riwaayada waxaa lagu jili jiray af-carbi iyo talyaani. Jilida ruwaayadaha dhinaca koonfurta waxaa hormuud ka noqday dhalin yaro xoogsato ah oo maalintiina xoogsato habaynki markii la gaarana isku dayo inay jilaan riwaayado gaagaaban oo maaweelays ah kuwaasoo ay habaynba meel ku dhigi jireen. Si ka duwan sidii kuwa waqooyiga wax mucaarad ah kalama aysan kulmin culumada sidaa darteed waxaa si sahlan u bulaalay baladii iyo fasaadki fanka ilaa uusoo gaaray xilli loo arko qayb nolosha ka mid ah oo muhiim ah. Haweenaydi ugu horaysay ee meel bablig ah ka heesto idaacadna laga sii daayo ayaa kasoo baxday koonfurta soomaaliya 1930kii.

Dhacdooyinkaan kala duwan ee aan kor kusoo xusnay waxay muujinayaan sida reer koonfureedku ugu dulqaadaan dhibaatoyinka marka ay bilowga yihiin, xil weyna aysan isaga saarin joojinta fasaadka soo muuqday. Tani waxay saamayn weyn ku leedahay dhibka manta ka jiro koonfurta soomaaliya iyo colaadaha dhamaan la’ waayo waxaa la waayay dad u istaago baabi’inta dhibaatooyinkaan inta ay curdanka yihiin, markay balaarteena waa “bidaaru sibiq bay kugu gashaa” oo xalkeedu ma sahlana. Tani waa sababta ugu weyn ee koonfur ka dhigay halaqyo galeen ay isgu soo aruuraan inta dhibka jecel. Tani kama dhigno inay dhammaan dadka reer koonfureed xumaanta ka raali yihiin ama aysan xil iska saarin ka hor taga fasaadka balse waxay tilmaamaysaa markii dadkii howshaas ku haboonaa ay ka gaabiyeen inay sidii la rabay wax u qabtaan, uu si siman dhibku u saameeyay dhamaan dadka soomaaliyeed. Allana waa kii Qur’aanka ku Yiri “ka baqa fidno aanan ku dhici doonin kuwa fidnada oogay oo kaliya” (Al-anfaal, 24)

Dhinaca waqooyi galbeed soomaaliya, marki ay soo muuqato wax dhibaato ku ah nolosha ummada, bulshada ku nool dhulkaas oo ay culumadu hormuud u tahay ayaa u istaago baabi’inta dhibkaas iskuna dayo inay aasaan intuusan dhulka ku faafin “biyo intaysan kusoo gaarin ayaa la isku moosaa”. Tani waa sababta ugu weyn ee ay u heleen nabad iyo xasilooni waana tan ku qasabtay in badan oo dagaal doon ah kana soo jeedo waqooyi inay koonfurta usoo hayaamaan si ay dagaal ooga kiciyaan.

Gunaanadkii, arintu waxay tahay nabada ka jirto waqooyi ay keentay dadaalka culumada iyo wax garadkooda halka, qaska ka jiro koonfur ay saldhig u tahay dadaal yarida culumada iyo wax garadka koonfureed loona baahan yahay inay isa saxaan badalkii ay eedeeyn lahaayeen dad kale.

Ibraahim xaaji Aadan

Ishire86@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here