Sadio Mane N’Golo Kante, Henrikh Mkhitaryan Iyo Liiska Xidigihii Kooxaha Waa Wayn Ee Premier Leaque-ga Xagaagii Dhawaa Ku Soo Biiray Oo Ay Daily Mail Qiimayn Ku Samaysay

0
633

Waxaa jiray ciyaartoy badan oo xagaagii dhawaa ay la soo wareegeen kooxaha Premier Leaque-gu, laakiin ciyaartoydii ku soo biiray kooxaha Premier Leaque-ga ayaa ku kala duwan doorka ay ku yeesheen kooxihii ay ku soo biireen.

Ciyaartoyda qaar ayaa haddaba muhiim ka noqday kooxihii ay xagaagii dhawaa ku soo biireen halka kuwo kale ay haddaba u muuqdaan in ay ku fashilmayaan laakiin sidoo kale waxaa jira ciyaartoy dagaal ugu jira sidii ay magacooda ugu qori lahaayeen kooxaha ay suuqii xagaaga ku soo biireen.we

Haddaba wargayska Daily Mail ee ingiriiska ka soo baxa ayaa sameeyay qiimayn ku saabsan ciyaartoydii xagaagii dhawaa ku soo biirtay kooxaha Premier Leaque-ga iyada oo uu liisku aad u dheer yahay awgeed ayaanu idiinku soo koobnay ciyaartoydii xagaagii dhawaa ku biiray kooxaha waa wayn iyo qiimaynta Daily Maily ay ka samaysay.

Haddaba halkan kaga bogo liiska ciyaartoydii kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-ga ku soo biirtay xagaagii dhawaa iyo qiimaynta saamaynta ay yeesheen. Qiimaynta ayaa ah in ciyaartoyga ugu fiican la siiyo 10/10 halka tirada sare ay tahay qiimaynta uu ciyaartoygu ka helo qiimaynta guud ee 10 ka ah.

CIYAARTOYDII XAGAAGII KU SOO BIIRTAY ARSENAL

Shkodran Mustafi has established himself as a first-choice centre-back already at Arsenal

Granit Xhaka – 7/10: Waxa uu ilaa hadda dhaliyay laba gool oo darbooyin meel fog ah ku dhaliyay wuxuuna qaatay kaadhka cas oo toos ah wuxuuna khadka dhexe ee Gunners uu ku soo kordhiyay awood ay uga baahnaayeen.

Shkodran Mustafi – 8/10: Waxa uu lamaane difaac dhexe oo adag la samaystay Laurent Koscielny isaga oo deganaansho wayn ka abuuray difaaca Arsenal. Waa mid ka mid ah saxiixyadii ugu fiicnaa ee ay Gunners samaysay.

Lucas Perez – 4/10: Hal kulan oo kaliya oo Premier Leaque-ga ayuu ciyaaray laakiin kulankii Leaque Cupka ee Nottingham Forest ayuu laba gool ka dhaliyay balse ilaa hadda saamayntii Gunners ma aha mid la dareemay.

CIYAARTOYDII XAGAAGII KU SOO BIIRTAY CHELSEA:

N’Golo Kante has been central to Chelsea’s revitalisation under Antonio Conte this season

Michy Batshuayi – 5.5/10: Inkasta oo uu si fiican ku bilawday waayihiisa Chelsea haddana Antonio Conte ayaan fursad badan siin da’yarka ree Belgium wuxuuna inta ugu badan ku qaatay kursiga kaydka Blues, balse marka loo baahdo waxa uu muujiyay dadaal dheeraad ah.

N’Golo Kante – 8/10: Waxa uu door layaableh ku yeeshay shaxda 3-4-3 ee uu Conte ku xaliyay dhibaatadii Chelsea, wuxuuna door muhiim ah ku yeeshay khadka dhexe ee Chelsea waana mid ka mid ah saxiixyada ugu fiican ee ay Blues xagaagii dhawaa samaysay.

Marcos Alonso – 8/10: Chelsea ayaa 23 milyan oo gini kooxda Fiorentina kagala soo wareegtay Marcos Alonso waxaana loo arkayay lacag ay Chelsea iska lumisay laakiin waxaa taas beeniyay Alonso oo muujiyay in uu lacagtaas u qalmay wuxuuna door cajiib ah ku yeeshay kooxda horumarka fiican samaysay ee Conte.

David Luiz – 7/10: Waxa uu dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore wuxuuna kulamadii ugu horeeyay u muuqday mid shaki wayn la galin karo awoodiisa laakiin markii uu Conte shaxdiisa saddexda difaaca ah ka dhigay ayuu la soo baxay saamayntiisa.

CIYAARTOYDII XAGAAGII KU SOO BIIRTAY LIVERPOOL:

Sadio Mane has been in lethal form since joining Liverpool for £30m from Southampton

Sadio Mane – 9/10: Waxa uu ka mid yahay saxiixyadii ugu fiicnaa ee xagaagii dhawaa ay sameeyeen kooxaha Premier Leaque-gu wuxuuna Mane door wayn ku yeeshay horumarka kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool. Kadib markii ay Reds xidiga ree Senegal kula soo wareegtay 30 milyan oo gini, ayuu isla markiiba si deg deg ah uga mid noqday shaxda Klopp.

Joel Matip – 7.5/10: Difaaca dhexe ee ree Cameroon ayaa si xor ah ugu soo biiray Liverpool kadib markii dhacay heshiiskiisii Schalke04, laakiin waxa uu degnaansho ka abuuray difaaca Liverpool inkasta oo ay wali jirto waxyaabo dhibaato ku ahi sida kubbadaha sare.

Marko Grujic – 5/10

Loris Karius – 5.5/10

Ragnar Klavan – 6/10

Georginio Wijnaldum – 7/10

CIYAARTOYDII XAGAAGII KU SOO BIIRTAY MAN CITY:

Ilkay Gundogan has shrugged off a slow start to become key to Pep Guardiola’s system

Ilkay Gundogan – 8/10: Gundogan ayaa Manchester City ku soo biiray isaga oo dhaawacan wuxuuna ahaa saxiixyadii ugu horeeyay ee uu Guardiola ka sameeyay Etihad Stadium. Xidiga ree Germany ayaa ilaa hadda ah saxiixa ugu fiican ee ay Man City xagaagii dhawaa suuqa kala soo wareegtay marka la barbar dhigo xidigaha kale.

Nolito – 7/10

Leroy Sane – 5/10

John Stones – 6/10

Claudio Bravo – 6.5/10

CIYAARTOYDII XAGAAGII KU SOO BIIRTAY MAN UNITED:

Henrikh Mkhitaryan has started just once for Manchester United under Jose Mourinho

Eric Bailly – 7.5/10: Difaaca dhexe ee xulka qaranka Ivory Coast ayaa Manchester United xagaagii ku soo biiray laakiin wuxuu si deg deg ah door muhiim ah ugu yeeshay kooxda Mourinho. Laakiin horumarkii fiicnaa ee uu ku jiray waxaa dhibaato ku noqday dhaawaca uu hada la maqan yahay. Bailly ayaa ilaa hadda ah xidiga ugu fiican saxiixyadii Man United ay xagaagii dhawaa samaysay.

Henrikh Mkhitaryan – 2/10: Laakiin Mkhitaryan ayaa qiimaynta Daily Mail ka galay meel aad u hoosaysa kadib markii uu awoodi waayay in uu wax fursad ah ka helo kooxda Red Devils. Inkasta oo kulamadii hore ciyaaray waxa uu Mourinho ku qancin waayay qaab ciyaareedkiisa halka markii danbe dhaawac soo gaadhay uu xaaladiisa uga daray.

Zlatan Ibrahimovic – 6/10

Paul Pogba – 6.5/10

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here