Ururuka Saxafiyiinta Qaranka NUSOJ oo Ahlusunna ka Dalbaday in si Sharuud La’aan ah ay kusii Deyso Radio Galgaduud Xaruntiisa Guriceel

0
391

rurka Saxafiyiinta Qaranka Ee NUSOJ ayaa Cambaareysay Xariga ay Ciidamada Ahlusuna kula kaceen Radio Galgaduud Xarunteeda Magaalada Guriceel.

War Qoraal oo ka soo baxay (NUSOJ) ayaa si kulul loogu cambaareeyay falka lagu xiray Radio Galgaduud.

NUSOJ ayaa ku baaqday in si Sharuud La’aan ah loo sii daayo Radio Galgaduud Qalabkii ay ku shaqeyn jirtayna dib loogu soo celiyo.

Habeenkii Xalay ayey aheyd Markii Ciidamo ka tirsan Ahlusuna ay Albaabada Isugu dhufteen Xarunta Idaacada Galmudug ee Magaalada Guriceel waxaana Ciidanka ay Horay usii qaateen FM-kii Idaacada ay ku howlgali jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here