Dad haraad ugu geeriyooday Gobolka Gedo

0
397

Deegaanada Buusaar, Faxfaxdhuun iyo Indhaceel oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa xaalado biyo la’aan ah ugu geeriyooday 3 qof sida qof deegaanka ah uu shabakada Baardheere24 ugu warramaya.

Mid ka mid ah Waxgaradka Gobolka Gedo oo Baardheere24 qadka Telfoonka kula hadlay ayaa sheegay in xaalad beni’aadanimo oo aad u daran ay ka jirto deegaanadaasi isagoona xusay in aan wax gargaar samata bixin ah dadkaas lala soo gaarin.

Muddooyinkii dambe ayaa abaaro daran waxa ay ka jireen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Waqooyi iyo Kuwa Koofureed ee dalka taas oo ay ugu wacantahay Roob la’aan hareysay deegaanadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here