Shir looga arisan doono duulaanka kenya oo dhawaan la qaban doono

0
419

Gudoomiyaha gobalka Gedo mudane maxamed muxumed ayaa sheegay in dhawaan la qaban doono shir looga hadli doono wixii laga yeeli lahaa d dhul boobka kenya ay ka wado xuduud beenaadka Mandheera iyo Balad xaawo. Kenya ayaa horay u sheegtay inay darbi adag ka dhisi doonto xadka ay la leedahay Soomaaliya si ay isaga xijaabto sharta kaga timaado Alshabaab sida ay hadalka u dhigtay. Balse xayn-daabkii la sheegay in Al-shabaab laga dhisanayo ayaa isu badalay dhul boob iyadoo kenya ay gudaha usoo gashay dagmada Balad-xaawo halkaas oo ay ka bilowday guryo dumin iyo dad layn.

Dhibka ka taagan xadka ayaa socday labadii sano ee la soo dhaafay hadda ka horna ma dhicin in madaxda gobalka Gedo isaga yimaadaan wixi ay ka yeeli lahaayeen. Talaabadaan ayaa hadii laga dhabeeyo noqon doonto mid wax ku ool ah, taageero weyna siin doonto gudoomiyaha cusub oo u muuqdo mid ka wanaagsan kuwii hore gobal soo mari jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here