waxa aan ahay soomaali jecel soomaalida , soomaalinimadayda waxa ka horaysa muslimnimadayda ,Uumiye Allaah waxa uu ii abuuray in aan u hogaansamo isga ilaahnimo u qiro oo caabudo.
Afkaartaydu iyo waxa aan aaminsanahay kuma salaysna dimuqraadiyad , raasamaaliyad, shiyuuciyad , calmaaniyad iyo aragtiyo kasta oo ka yimi kuwa la uumay ee adoomaha ah kana duwan sharciga diintayda qumman ee islaamka.
waxa la iigu yeedhaa cabdimaalik muuse coldoon , barta aan aduunka kaga noolahaya waa Burco, waana barta aan ku barbaaray , waxbarashadana ku bilaabay bari samaadkii, goobta dhalashadayda waxa la iigu waramay in ahayd miyiga Buuhoodle.
Hadda markasta oo aan damqado ka damqado dhibta dadkayga taabtay iyo ta ku soo socota way ii suuragaliwaydaa in aan ka aamuso , inyar oo ka mida itaalkayga waan iftiimiya , waxaana aad iigu sii adkaynaya in aan gacmaha taagtaag taago go’ana lulo kaalinta aan kaga jiro bulshada oo ah warbaahinta iyo codkayga oo gaadhaya meel aanu gaadhsiinkarin codkiisa mid iga shaqo duwani.
intii aan jidka hayey jidka warbaahinta waxa gacmaha ii haadiyey dad u baahan in la ogaado duruuftooda , garabna ka raba umadooda . maan dhaafine waan ku leexday , codkayga ayaan ku taageeray waxaanan idhi : kaalmee kuwan.dhawrjeer ka hadh baan is idhi se waxa iga hor istaaga marwalba marka la ii soo sheego xaalad adag oo aan la dhaafikarin , taana waxa ii dheer in marka la soo hadalqaado qof dhiban oo u baahan kaalmo la’isu kay soo tilmaamo.
Soomaali walaalkood baan ahay kama fiicni , waxa aan doonayaa in aan fiicnaado.
Guulo badan aduunka kama rabo , aakhrio ayaan higsanayaa halkii wacan.
Allaah baa mahad leh
cabdimaalik muuse coldoon
Burco / 22/11/2106