Doorashii Beesha Reer Siyaad Ugaas Diini Oo Qof dumar ah kusoo baxday.

0
872
Sagal Abdirisaq Isak Biihi
Sagal Abdirisaq Isak Biihi

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ku soo gab-gaboobay tartankii Doorshada Aqalka hoose ee ay ku loolameen Afar gabdhood, gabdhahaasoo kasoo jeedeen beesha Reer Siyaad Ugaas diini  ayna ku guulaysatey Sagal Cabdirsaaq Isaaq Biixi.

Tartankii Doorasho ee maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku loolamay Afarta Gabdhood ee ay magacyadoodu kala yihiin.

1: Sagal Cabdirsaaq Isaaq Biixi,

2: Naciimo Bashiir Ibraahim,

3: Shamso Cabdullaahi iyo,

4: Suubban Mahad Dirir.

Warbaahinta Humbaale News haddii Eebbe idmo waxay dib idiinka soo sheegi doontaa, wixii warar ah ee ka soo kordha Loolankii Doorasho ee maanta dhex maray Afarta Gabdhood iyo Codadka ay kala heleen, sidoo kale Waxaan idiin Soo gubdin doonaa beelaha dhiman Iyo mushax yada Ku tartamayo paarlamaan Ka aqalka hoose.

HN: mohamed ahmed.

Kalasoo xariir: Humbaale12@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here