Al-shabaab oo Weerar Culus ka geystay Gudaha Kenya, Afuubtayn

0
478

.
Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weeraray tuulada Haluqa oo hoos tagta magaalada Gaarisa ee gobolka woqooyi Bari Kenya.

Warar lagu kalsoon yahay oo dadka deegaanka laga soo xigtay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay bam ku tureen, dabna qabadsiiyeen xarun shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ku leedahay halkaasi, taasoo markiiba hawada ka baxday.

Xoogaga Al-shabaab ayaa la soo sheegayaa iney qafaasheen lix nin oo ka howlgalayey xaruntaas ay gubeen ee shirkada Safaricom, lamana oga ilaa hadda halka ay la aadeen.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa iyagu sheegay inay ciidankoodu qabsadeen tuulada kadib markii ay dhowr jiho ka soo weerareen, ayna muddo saacado ah gacanta ku hayeen.

Kooxo kale oo aa la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa isla xalay weeraray iskuul ku yaala meel ku dhow xadka Kenya ay la wadaagto Somalia, waxayna wararku sheegayaan in askar ilaalo ka aheyd iskuulkaas ay la dagaalameen kooxihii weerarka soo qaaday oo markii dambe dib u laabtay, lamana soo sheegin khasaare ka dhashay iska horimaadkan.

Al-Shabaab ayaa weerarro is-daba joog ah ka gaysata gudaha dalka Kenya, waxayna weerarradaasi wadeen tan iyo intii dawladda Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya.
2
You may also like:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here