DEG DEG: Gudoomiyihii Guddiga Doorashoyinka Puntland oo Is Casilay

0
489

Gudoomiyihii Guddiga doorashooyiska Maamulka Axmed Maxamed Cali Axmed Kismaayo ayaa maanta kaga dhawaaqay Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka in uu iska casilay xilkii uu ka hayay guddigaas.

“Maanta oo ay Taariikhdu tahay 21.11.16 Waxan madaxweynaha Maamulka Puntland mudane C/weli Maxed Cali Gaas u gudbiyay istiqaalad rasmi ah oo aan kaga tegey xilkii aan ka hayay guddiga doorashada Puntland taas oo uu iga aqbalay madaxweynaha isagoo ku mahadsan, runtii waa go’aan aan anigu qaatay qof ahaan mana jirto cid igu dirqisay iyo cid ay dhibaato na dhexmartay toona, Waxan uga mahadcelinayaa madaxwaynaha Puntland inuu ii gartay inaan xubin ka noqdo guddigaas, Wixii awoodayda ah ee aan ka qaban karo dhismaha dalka iyo horumarkisa diyar baan la ahay”, Axmed kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali gaas ayaa haatan laga sugayaa in uu soo magacaabo shaqsigii badali lahaa Gudoomiyihii Guddiga doorashooyinka Maamulka Axmed Maxamed Cali Axmed Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here