Waxaa dib u dhac ballaaran uu ku yimid xilligii loo asteeyay inay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub iyo Ku xigeenadiisa.
Maanta oo Arbaco ah taariiqduna ay ku beegan tahay 23-11-2016, waa maalintii loo balamay in la qabto Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka iyo Kuxigeenadiisa, hayeeshe sida muuqata waxaa ku yimid dib u dhac Jadwalkaasi.
Guddiga Doorashada Dadban ee dalka ayaa horay u shaaciyay in 23-ka Bishan la qabanaayo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, halka 30-ka Bishaan la qabanaayo Doorashada Madaxweynaha, laakiin jadwalkaasi dib u dhac weyn ayaa ku yimid.
In la qabto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, iska daaye waxaa weli socota oo aanan soo dhameystirmin Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee dalka oo ay hareysay Musuq maasuq xoogan.
Sida muuqata iyana dib u dhac ayaa ku imaan doono Doorashada Madaxweynaha dalka oo 30-ka Bishaan loo madalsan yahay inay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.
Guddiga Doorashooyinka Dadban ee dalka ayaa dhowr mar dib u dhigay Doorashada, iyadoo sababta ugu weyn ee dib u dhacana ay ka imaaneysay Madaxtooyada Somaliya oo ku howlan uruursashada Kuraasta Baarlamaanka dalka
Isha Wararka xaqiiqada ah.
Humabaale12@gmail.com