Diyaaradaha Maraykanka oo burburiyay Buundo muhiim ah oo ku taalla magaalada Muusil.

0
830

muusil

Iyadoo weli diyaaradaha Maraykanka iyo ciiidamada Rawaafida ay wax guulo ah ka gaari la’yihiin dagaalka ba’an ee ka socoda magaalada Muusil una dhexeeya Muslimiina Ahlu Sunnaha ah iyo Shiicada oo taageero ka helaya kuwa Reer galbeedka ayaa hadana dowladda Maraykanka waxay ku kaceysaa falal argagax badan oo ay ku dooneyso in Muslimiinta ay ka dhigto kuwa gacan maran.

Dagaalka Muusil oo ka soconaya daafaha magaalada ayaa dowrka ugu weyn waxaa ciyaaraya diyaaradaha Taxaalufka reer Galbeedka kuwaas oo si indha la’aan ah u duqeeya goobaha dad weynaha, wadooyinka la isga kala gudbo, iyo waliba baraha isku imaatinka.

Ciidanka Maraykanka ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in diyaaradihiisa ay duqeeyeen buundada afaraad ee dhacda koonfurta magaalada, oo ah wado istiraatiiji ah oo ay isticmaalaan dadka Muslimiinta ah iyo kuwa Mujaahidiinta.

Buundada burbrurtay ooo laf dhabar u ahayd isku socodka xaafadaha kala duwan ee magaalada Muusil iyo deegaanada kaabiga ku haya ayaa ka dhigan kala go’a xaafado muhiim ah oo kawada tirsan magaalada Muusil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.