Qoraal loo diray Beesha caalamka ayaa lagu faahfaahiyay wixii uu ku kacay Taliyaha NISA C/llaahi Gaafow Maxamed si uu walaalkiis ugu soo baxo xildhibaan.
Qoraalka oo ay ku saxiixan yihiin Suldaanka Beesha Farculus/Murusade, Musharax Maxamed Maxamuud Guure (Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug) iyo laba musharax oo kale ayaa keenay in safiirka Mareykanka uu qoraal ka soo saaro doorashada Cadaado iyo musuqa ka dhacay isagoo eedeyn u jeediyay Taliyaha NISA.