Maxa keeno iney ardayda soomaaliyeed Ee Reer Sweden guuldareestaan dhinaca wax barashada

0
749

Hordhac
Anigoo ah macalin wax ka dhiga dugsi ka mid ah dugiyada ay ardayda somaaliyeed dhigtaan ee wadanka iswiidhan. Muddo labaatan sanno ka badana ku dhexjirey arimaha waxbarashada, ayaan baaritaan dheer ku sameeyey heerka waxbarashada ardayda soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka iswiidhan. Gaar ahaan ardayda dhigata dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa sare.
· Waxaan la hadlay arday soomaaliyeed oo boqol kor u dhaafaya, dhigtana dugsiyo kala duwan
· Waxaan la hadlay macalimiin ardaydaas u dhiga maadooyin kala duwan.
· Waxaan la hadlay macalimiin soomaaliyeed oo iyaguna wax ka dhiga dugsiyadaas kala duwan.
· Waxaan la hadlay la taliyayaasha ardayda ee xagga waxbarashada ee ku sugan dugsiyadaas.
· Waxaan la kulmay waalidiin aad u fara badan.
Baaritaankaas waxaa iiga soo baxay in ardayda soomaaliyeed ay ka mid yihiin kuwa ugu liita xagga tacliinta kolkii la garab dhigo ardayda kale ee anjebiga ah iyo kuwa iswiidhishka ahba. Waxa aad u yar ardayda dugsiga hoose/dhexe ka qaata shahaado buuxda oo ay ku geli karaan dugsi sare.
Waxaa aad u badan ardayda soomaaliyed oo kolka ay fasalka la qabsan waayaan iskoolkaba isaga taga ama inta badan ka maqnaada. Ardayda soomaalidu waa kuwo badankood ku liita maadooyinka muhiimka ah sida; xisaabta, luqada iswiidhishka, sayniska iyo luqada ingiriiskaba. Marxaladaas ay ardeyda soomaaliyeed ku sugan yihiin waa mid run ahaantii aad ii xanuujisay. Waana mid dareen ku abuureysa qof kasta oo si wanaagsan u fekeraaya. Waxaan maqaalkan idiinku soo bandhigayaa waxyaalaha aan u arko iney lug ku leeyihiin guuldarada ku habsatey ardeyda soomaaliyeed ee iswiidhan.
Qaabka waxbarashada wadanka oo aan la fahmin
Qaabka wax looga barto dugsiyada iswiidhan ayaa aad iyo aad uga duwan kan soomaaliya. Wadankan iswwiidhan waxaa macalimiintu xooga saaraan in ardaygu si guud u fahmo waxyaalaha iskoolka laga dhigto. Balse ardayga iyo waalidkiis ayey u taal iney faahfaahinta iyo waxii kale oo dheeraad ah raadsadaan. Waxaa kaloo iyana dadka soomaaliyeed intooda badani aaney fahmin doorka waalidku ku leeyahay habsami u socodka waxbarashada ardayga.
Waalidku waxaa uu qaybweyn ka qaataa habka loo maamulo waxbarashada ardayda. Ilaa 50% ( boqolkiiba konton ama ka badan) waxaa la doonayaa in ardeyga iyo waalidkiisu ay guriga kusoo shaqeeyaan. Waxaa iskoolku filanayaa in ardeyga uu arimaha loo diray kala doodo waalidkiis, isla markaasna isaga oo diyaarsan uu iskoolka kusoo noqdo. Arimahaan aan kor kusoo sheegnay, waalidiinta soomaalida badankood kuma firfircoona. Taas waxaa keeni kara arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Waalidka oo aan aqoon hore oo badan lahayn, waalidka oo aan si fiican u aqoon luqada iswiidhishka, waalidka oo ay deganaansho laàani hayso. Tusaale ahaan waxaa uu doonayaa inuu meelkale u guuro iwm. Waxaa kaloo dhici karta inaan waalidku fahamsaneyn dhaqanka waxbarashada ee wadankan iswiidhan.
Waalidiinta badankood oo aan shaqo haysan.
Guud ahaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan iswiidhan ayaa badankood ah kuwo aan wax shaqo ah haysan, balse ku nool taakulaynta ay dowladu u fidiso. Arimaha keenay shaqo laàantaas ma aha mowduuca maqaalkan sidaas darteed halkan kuma faaleyn doono. Waxaan keliya oo aan eegeynaa saameynta ay arintani ku yeelan karto waxbarashada dhalaanka. Waa arin iska caadi ah in dadku iska niyad xumaadaan kolkii ay shaqo wayaan. Walow ay waalidiintu ku dadaalaan in arinkaasi aanu saameyn ku yeelan waxbarashada ardayda. Haddana caruurtu waa kuwo ka warqaba xaalada nololeed ee waalidkood. Maadaama uu waalidku yahay midka ay ilmuhu ku kalsoon yihiin oo ay ku daydaan. Waxaa dhici karta in jahwareerkaas iyo niyad jabka waalidiinta qaarkood haystaa uu si dadban ugu gudbo caruurta iskooleyda ah. Halkaasna ay caruurtii ku niyad jabaan.
Bulshada soomaaliyeed oo aan iskuduubnayn
Kala daadsanaanta ku habsatey bulshada soomaaliyeed meel ay joogaanba, waxaa ay saameyn weyn ku yeelatay waxbarashadii dhalaanka. Hadii ay jirto iskuduubni iyo naadiyo firfircoon waxaa ay ardeydu heli lahaayeen talo siin , caawinaad xagga maadooyinka ah iyo dhiiri gelin dheeraad ah. Walow ay jiraan meelo aan badnayn oo arinkaas guul ka gaarey haddana bulshada inteeda badan waa mid aad u kala qaybsan. Waxaa laga yaabaa in aqoonyahan soomaali ahi uu bilaabo hawl ( project) uu ugu talo galay inuu ku saacido ardayda soomaaliyeed ee aqoontoodu liidato. Balse waxaa inta badan dhacda in aqoonyahankaasi waayo wax ka faaìideysta howshaas uu bilaabay. Sababahaan soo socda ayaa keeni kara in aan macalinkaas laga faaìideysan.
1. Qabiilkiisa: Xagee ka soo jeedaa macalinku? Haddii macalinku noqdo mid qabiil kale ah waxaa ay u badan tahay inaan wax arday ah loo geysan. Sababtuna waa iska sahal in la fahmaa. Waxaa uu waalidku oranayaa ” sidee ugu geystaa ilmo nin reer hebel ah” iwm
2. dhaqaale: Horta yaa macalinkaan lacagta siiya? Halhays aad wadankaan looga yaqaan waxaa weeyaan: ” waxaa uu hebel doonayaa inuu ilmahayga lacag ku cuno” Waxaan marna la isweydiin su aasha ah: war ilmahaygu ninkaan/ macalinkaan wax maka baranayaan, haduu rabo lacagba ha qaatee? Waxaan kaloo la isweydiin: War xitaa hadduu macalinku lacag qaato, sow adiguba waalid ahaan lacag ma bixin lahayn? Sow faaìido ma aha haddii lacagtii aad bixin lahayd qolo kale bixiso.
Geediga badan ee soomaalida:
Dhaqankeenii reer guuraanimada waxaad moodaa inuu inala socda xitaa haddii aan wadankeenii aad uga soo fogaaney. Dadka reer guuraaga ahi mararka qaarkood waxaa ay guuraan iyaga oo xooluhu doog iyo barwaaqo haystaan. Bal qiyaas akhristow sababta ay u guuraan? Waxaa ay yiraahdaan: ” war reerka aan raro ( aan guurno) meeshtan waa lagukala guureye”. Macnuhu waxaa weeye, reer cali ayaa guurey, reer meygaag ayaa guurey, reer muxyadiin ayaa guurey. Balse ma jiro qof isweydiinaya: Maxay u guureen dadkaasi? Ma hal ujeedo ayey u guureen mise ujeedooyin kala duwan?
Dhaqankaasi run ahaantii waxaa uu jebiyey lafdhabartii aydayda soomaaliyeed ee yurub iyo Ameerika.
Wadankan iswiidhan waxaa soomaalida aad u saameeyey laba nooc oo geedi ah. Kan hore waxaa weeyaan iyadoo ay soomaalidu aad ugu kala guuraan magaalooyinka wadanka dhexdiisa ah. Iyagoo oranaaya. ” war halkaas bey ka dilaacday oo roob fiicani ka daèy. Geediga kale waxaa weeyaan iyadoo ay soomaalidu aad ugu guuraan wadamo kale sida Ingiriiska, wadamada carabta iyo soomaaliya. Labdada geediba waa kuwo dhib badan u keenay ardayda soomaaliyeed.
Geediga dalka gudihiisa ah:
Kolkii ardayga laga wado deegaan uu la qabsaday, waxaa ardayga soo wajaha jahwareer badan. Jahwareerkaasi niyad jab iyo kalsooni xumo ayuu ardeyga ku abuuraa. Bal qiyaas adigoo halmar lagaa waday deegaankii aad taqaaney, macalimiintii aad taqaaney adigana ku yaqaaney, asxaabtii aad taqaaney iwm. Imisa ayey ardeyga ku qaadaneysaa inuu barto lana qabsado dabeecada deegaanka cusub ee loo raray? Imisa ayey qaadaneysaa in macalimiinta iskoolka cusubi bartaan ardayga. Inta ardeygu ku jiro u kuurgelida iyo la qabsashada deegaanka cusub, waxaa ka dhumaaya wakhti badan oo uu u adeegsan lahaa tacliintiisa. Waxaa laga yaabaa in ardayda qaarkood ay sanad dugsiyeedka barkiis ku qaadato inuu la qabsado iskoolkii. Imisa maado oo muhiim ah ayaa dhaafaya ardayga?
Maadooyinkaas ma aanu seeggeen haddii loo deyn lahaa degaankii uu yaqaaney.
Ardeyga keliya dhibtu ma gaareyso balse reerkii oo dhan ayaa ku sugan jahwareer uu dhaliyey deegaanka cusubi.Halkaasna waxaa ardaygu ku waayayaa caawinaadii uu ka heli jirey guriga.
Geediga dalka dibadiisa ah:
Marar badan geedigani waa ka dhib badan yahay kan dalka gudihiisa ah, gaar ahaan kolka caruurta lala guurey ay yihiin kuwo toban sano dhaafay. Taasi waxaa ay keentay in ardaygu labada dhinacba seego. Waxaa aad iyo aad u yar fursada uu ardayga guurey kula qabsan karo wadankaas uu tegey. Maxaa yeelay ardaydu waxaa ay wax ku bartaan afka iswiidhishka, aqoontooda luqadaha sida carabiga iyo ingiriiskuna aad buu u kooban yahay. Waxaa khasab ah in dib u dhac badani ku yimaado ardaygaas guurey. Taas ayaana keenta in waalidiin badani soo noqdaan kolkii caruurtu la qabsan waayaan wadankii loo raray. Wakhtiyo badan ayaan la kulmay ardeydaas soo noqday, waana run ahaantii kuwo aad iyo aad u niyad jabsan. Wakhti dheer ayeyna qaadataa inuu markale la qabsado waxbarashadii iskoolka. Waxaa quursada oo hoose u eega ardaydii uu ka haray. Waa arin runtii dhibkeeda leh.
Talooyin iyo gebagabo.
Anigoo kaashanaaya khibradeyda macalinimo iyo howshaan oo aan ku dhexjiro maalin walba waxaan soo jeedinayaa talooyinkan:
1. In waalidiintu aad iyo aad ugu dadaalaan iney fahmaan dhaqanka xagga waxbarashda ee dalkan iswiidhan. Maxaa yeelay nidaamka tacliinta oo aad fahamtaa waxaa uu kuu sahlayaa inaad ilmahaaga si wanaagsan u caawinto ulana socoto. Ingiriisku waa kuwa yiraahda; ” understanding is half done” oo ay ula jeedaan haddaad fahamto meesha wax loo wado waxaa sahlanaan karta inaad xal hesho.
2. Ineynu danta iyo mustaqbalka waxbarasho ee ilmaheena aan ka hor marino wax walba oo kale. Waa inaan ilmaha haddii aaynaan guriga ku caawin karin, u geynaa dadka macalimiinta/aqoonyahanka ah ee soomaaliyeed. Waa in qofka waalidka ahi uu iska daayaa – reer hebel waxba uma geysto iwm. Cilmiga iyo faaìidada waa inaan u galaa meel walba.
3. Waa inaan isku duubni muujinaa si aan guul u gaaro. Gacmo wadajir bey wax ku gooyaan. Koox walba oo soomaali ah ee meel degani ha isku dayeen iney u faaìideyaan ciyaalka. Qofka ama labada qof ee kooxda ugu fiicani haka saacideen ardeyda maadooyinkooda. Arinkas waxaa sameeya dadka kale ee anjebiga ah.
4. Waa in waalidku aad u kordhiyaa xiriirka uu la leeyahay macalinka iyo iskoolka ardeydu dhigtaan. Taasi waxaa ay kuu sahleysaa inaad goor hore ogaato meelaha ardeygu ku liito iyo waxyaalaha uu ku fiican yahayba.
5. Waa in waalidiinta qaarkood ay ku biiraan gudiga waalidka ee iskoolka. Gudigaasi waxaa ay saameyn weyn ku leeyihiin habka ay tacliintu iskoolkaas uga socoto.
6. Waa inaan aad uga fekeraa geediga laab la kaca ah ee aan semeyneyno. Xitaa haddii aad guureysid, ka feker oo baaritaan ku samee arinkaas. Waa inaad tagtaa meesha aad rabtid inaad u guurto si aad baaritaan u soo sameysid ( Field study).
7. Waa in ardayda la siiyaa abaal marin iyo dhiiri gelin si ay usii wadaan howshooda waxbarasho.
8. Waa inaan wakhti badan gelinaa caruurteena. Waa inaan wakhti kasoo goynaa waxyaalaha maalaayacniga ah. Sida turubka, fadhi ku dirirka iyo reer hebel xagee ku dameeyey iwm.
Waxaan aaminsanahay haddii arimahaas aan kor kusoo sheegay aan yeelno inaan wax ka bedeli karno marxalada naxdinta leh ee ay ardeydeenu ku sugan yihiin. Ilaahay ha inagu garab galo.- Aamiin.
MAHADSANIDIN

Dr. Awale

HN: humbaale12@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here