Somaliland Oo Aan Weligeed Aqoonsi Heleyn Hal Arrin Darteed (AKHRISO)

0
550

Maamulka Somaliland ee sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa dedaal badan wuxuu ugu jirey sidii uu ku heli lahaa aqoonsi ballaaran oo ku aadan gooni isku taag ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Waxaa jirey dalal markii hore doonayey iney dib u eegaan arrinta Somaliland, ayna siiyaan aqoonsi KMG ah, balse taasi ayaan dhicin dib u eegis la sameeyey awgeed.

Siyaasiyiin badan oo xilal ka qabtay dowladihii KMG ahaa, qaarkoodna ku hungoobey ayaa dib ugu cararay deegaannada Somaliland, sidoo kalena dadka Somaliland iyo sidoo kale siyaasiyiintooda qaar gobollada Koonfureed ayeey shaqooyin iyo xilal u raadsadaan.

Waxaa intaasi kasii dartey kadib markii la arkey siyaasiyiintooda oo ku gorgortamaya xilalka dowladda Federaalka ee Soomaaliya, taasi ayaana noqotay cabaqado badan.

Somaliland ayaa la ogaadey ineysan noqon kareyn dal gaar ah, maadaama Siilaanyo uu ku safro Passportiga Diplomasiga ee Soomaaliya, lana mid yahay madaxweynaha maamul goboleedyada kale ee dalka.

Waxaa xirmay iftiinkii yaraa ee Somaliland ku noqon lahayd dal ka madax bannaan Soomaaliya, waxaana hadda lagu cadaadin doonaa in saamigooda ka qaataan Soomaaliya sida haddaba u qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here