Boqolaal Arday Soomaaliyeed ah oo galin imtixaanki Dugsiga Sare…..

0
664

Daad guraynta ay dowlada Kenya ka bilwoday xeryaha qaxootiga ee Dabaab ayaa sababay in ardo gaarayso boqolaal aysan galin imitixaanki dugsiga sare ee Kenya kasoo ay iska diiwaan galiyeen. iskoolada kala duwan ee ka jiro xeryaha xaqootiga ayaa sheegay in ardo badan oo ay ahayd inay imtixaanka galaan aysan imaan iyagoo sababta ku sheegay din u celinta xaqootiga.

Kenya ayaa weerada Al-shabaab ka gaystaan dalkeeda ku eedaysay xeryaha qaxootiga iyadoo ku dooday in meesha laga soo abaabulo weerarada ay tahay xerada Dadaab. Eedaynta Kenya ayaan loo helin cadayn ku filan balse Kenya waxay ku adkaysatay inay muhiim tahay in la raro dadka dagan Xeradaan oo qaarkood ay ku dhasheen kuna ilama dhaleen taaso ka dhigayso inay dal kale lahayn.

Hay’ada UNCHR, dolwada Soomaaliya iyo mida Kenya oo heshiis sadex geesood ah galay kaaso ku saabsanaa dib u celinta xaqootiga ayaan xisaabta ku darsan xidii laga yeeli lahaa ardayda wax barashada ku jiro ee wax un sanad ka yar ooga dhimantahay inay dhamaystaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here