waxaa garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Kenya ku burburay diyaarad yar oo ka soo duushay Soomaaliya. diyaarada oo xabadka dhigatay badalkii ay lugaha ku dagi lahayd ayaan sababin wax dhimasho ah. Laakiin burburka diyaarada ayaa sababay in la xiro garoonka gabi ahaanba tasoo qasab ka dhigtay in la weeciyo dhamaan duulimiyadii ka soo dagi lahaa iyo kuwii ka duuli lahaa intaba. waxaa sidoo kale ku xayiran garoonka dad aad u badan oo doonayay inay ka duulaan garoonka. wali waxaa socdo dadaalka lagu banaynayo burburka diyaarada, maamulka garoonkuna wuxuu sheegay in inta badan burburkii la guray.
diyaaradaaado Soomaaliya ayaa ah kuwa aad u tayo hooseeyo, qatar weyna ku ah dadka iyo deegaan kaba, mana ahan markii ugu horaysay oo diyaarad Soomaaliya u socoto ama ka timid ay ku burburto gudaha Nayroobi.