Roob lagu diirsaday oo ka da’ay Garbahaareey

0
557

waxaa shalay galinkii danbe ka da’ay dagmada Garbahaareey, roob lagu diirsaday. Roobkaan oo aan sidaas usii xoog badnayn ayaa si fiican u biyo dhigay xareed fiicana laga cabay. sanadkaan ayaa waxaan gabi ahaan di’in roobki dayrta ee la sugayay taasoo keentay dhibaato biyo la’aaneed inay soo wajahdo dadka dagan Garbahaareey iyo nawaaxigeeda iyadoo sidoo kalana ay duunyadii calaf la’an ku habsatay. inkastoo daruurta shalay da’day aysan wax weyn ka badali doonin abaarta jirto, hadana waxay ahayd mid si weyn u farax galisay dadka deegaan kuwasoo xaalad quus ah ku jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here