Madexweynaha dowlada faderalka ah ee Soomaaliya ayaa xariga ka jaraya kuliyad cusub oo lagu soo biiriayay jaamacada ummada. kuliyada Sayniska iyo teknooliyada ayaa lagu dayac tiray muddo lix bilood ah iyadoon aysan ka qayb qaadan dad shisheeye. Kuliyada oo an tii uu ka baxay madex-weyne xasan ayaa xirnayd ilaa 1991. Jaamacada ummada ayaa ah jaamacadii ug horaysay ee dalka laga furo ahana jaamacada kaliya oo lagu dhigto si bilaash ah. jaamacada ayaa hadda waxaa aado arday gaarayso 2000 arday oo kala yimid dhamaan dalka Soomaliya taasoo muujinayso in midnimada Soomaaliya wali xoog leedahay.
dadka gobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa wasiirka wax barashada, gudoomiha jaamacada, duqa magaalada Muqdisho iyo Sheekh Bashiir salaat oo matalayay culumada Soomaaliyeed. dhamaan masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo wax barasho bilaash ah oo tayyo leh si wadanku ula jaan qaado aduunyada.