Booliska Kenya ayaa helay hub badan oo lagu aasay meel aan ka fogayn magaalada Gaarisa ee gobalka Soomaalida ee kenya haysato. Hubkaan oo lagu xirxiray bacyaal si wasaqda iyo roobka looga ilaaliyo ayaa isugu jiray qoryaha AK47, rasaas iyo banbaanooyin tiro badan. Ma jirto cid ilaa hadda loo soo xiray balse booliska ayaa sheegay in il u baxsantahay ciday raadinayaana ay yaqaanaan dhawaana lasoo xiri doono.
Source: the Star