Dab qabsaday iskuul Turkiga ku yaalla 11 dilay

0
624

Kaw iyo toban gabdhood oo ciyaal iskuul ah ayaa dhintay 22 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii uu dab qabsaday qaybta jiifka ee iskuul ku yaalla Koonfurta Turkiga, sida ay saraakiishu sheegeen.
Sidoo kale waxaa dabkaas ku geeriyootay haweenay ka shaqaynaysay iskuulka oo ku yaala magaalada Aladag ee gobolka Adana.
Qaybta jiifka ee iskuulkaas waxaa daganaa gabdho ka soo jeeda qoysas danyar ah oo dagan tuulooyinka ka agdhaw magaalada sida ay wararku sheegayaan.
Baaritaannada hordhaca ah waxay tilmaamayaan in dabku uu ka kacay cillad koronto
Mahmut Demirtas, oo ah gafernatooraha gobolka Adana ayaa sheegay in qaar ka mid ah gabdhuhu ay dhaawacmeen markii ay daaqadaha ka boodeen si ay dabka uga baxsadaan.
Demirtas ayaa xaqiijiyay in dhamaan 11 gabdhood ee dhintay ay yihiin arday
Muuqaal TV ayaa muujiyay dabka oo saqafka guryaha ka baxaya dabdamiskuna ay isku dayayaan in ay xakameeyaan.
Ra’iisul wasaare ku xigeen Veysi Kaynak iyo wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ayaa ku sii jeeda goobta uu dhibku ka dhacay sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here