Beesha Caalama ka ku dhagan qaar ka mid ah……

0
519

warar hoose oo soo baxayo ayaa sheegayo in beesha caalamku ku amartay gudiga doorashada inaysan siin shahaadada xildhibaanimo 49 mudane oo dhawaan la doortay. mudanayaasha la haysto ayaa lagu eedeeyay inay kuraasta ku heleen wax is dabamarin iyo laaluush. Kuraasta qaar ka mid ah waxaa cabasho ka keenay oday dhaqameedyada oo ku doodayo in xog lagu qaatay iyaguna aysan dooran,; qaar waxaa ku dhagan tar-tamayaal kale halka qaar lagu haysto inay ahaayeen qoondadii haweenka oo ragu uu boob ku qaatay.

warar waxay intaas ky darayaan in baaritaan dheer lagu samayn 49kaan mudane kuwii wax lagu waayana la siin doono shahaadada xildhibaanimo halka kuwa qaladaad lagu helo banaanka loo tuuri doono. si kastaba ha ahaatee wali lama oga in arintaan meel mari doonto iyo in la iska indha tiri doono, waxayna u badan tahay inaan dhag jalaq loo siin doonin maadamaa inta badan xildhibaanada lagu dhagan yahay ay yihiin kuwa ka socda dhinaca madex weyne xasan oo xusul duub oogu jiro in dib loo doorto ilaa iyo hadana leh awood fara badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here