Maxaa ka cusub Socdaal madex weyne Gaas ee shiinaha

0
498

Wararka soo baxayo ayaa shegayo in madex weynaha maamul goboleedka Puntland heshiis dhaqaale kobcin la galay dalka Shiinaha. Heshiiskaan oo labo geesood ah ayaa la sheegayaa inu Gaas u saxiixay dhul beereed baaxad weyn dalka shiinaha kaasoo ay tabcan doonaan shirkado dowli ah ka dibna waxa kasoo baxo u dhoofin doonaan dalka shiinaha. dhinaca kale Gaas ayaa taas badalkeedi la siin doonaa maal galin balaaran oo ay ka mid yihiin dhisida wadooyin dhowr ah, dib u howl galinta warshadihii fadhiistay burburkii dowlada ka dib iyo taba-barida shaqaale.

Arintaan ayaa u muuqato mid wax gal ah dib u dhiska dalkana qayb weyn ka noqon doonto. Laakiin dad qaar yaa ku doodayo in Gaas uu dhinac maray shuruucda dalka isagoo heshiis aysan la ogayn dowlada dhexe la galay dowlado shisheeyo. sidoo kale waxaan cadyn sida ay suura gal u noqon karto in shirkad shiinays ah isticmaasho dhul ay leeyihiin Soomaali oo lagu bartay inaysan aqbalin in dad shisheeyo dagaan dhulkooda. si kastaba ha ahatee waxaan fududayn sidii loo meel marin lahaa sheshiiskaan xata hadii u run yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here