Cumar Cabdi Rashiid Oo Si Cad U Sheegay in Dowladda Federaalka Ay Ubaahantahay Isbedel Dhanka Hoggaanka Ah!

0
467

img_78b1e3-83a4ed-ffd0e1-984379-873b59-b735a9
Waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Hoggaanka dowladda Federaalka xilli ay soo dhowdahay doorashada madaxtinimada ee la doonayo in hoggaanka cusub loogu doorto kooxdaasi la shaqeysa gumeystaha dalka kusoo duulay.

Ismariwaaga ugu daran ayaa u dhaxeeya Xasan Gurguurte iyo Cumar Cabdi Rashiid oo labaduba ah ku mashquulsan bixinta laaluush iyo musuq maasuq.

Khilaafka R/wasaaraha iyo madaxweynaha DF-ka ayaa markii ugu horraysay banaanka usoo baxay kadib markii Ina Cabdi Rashiid uu warbaahinta ka sheegay in Hoggaanka DF-ka uu u baahanyahay isbedel dhan walba ah.

isagoo xildhibaanno kula hadlayay magaalada Kismaayo ayuu Cumar Cabdi Rashiid sheegay in Dowladda Federaalka ay u baahantahay isbedel dhanka Hoggaanka ah.

“Runtii dalku wuxuu u baahanyahay isbedel dhanka hoggaanka ah” ayuu yiri Cumar Cabdi Rashiid oo si dadban u durayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiin ay dowladaha Mareykanka iyo imaaraadka Carabta wataan ayaa maalmihii lasoo dhaafay socdaallo qarsoodi ah ku tagayay magaalooyinka Addis Ababa iyo iyo Dubai waxayna wadaan is xulufaysi ka dhan ah Ururka Damul Jadiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here