R/wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Masar oo Dalka Imaaraadka Carabta Gaaray Maxay Ka Wada hadlayaan?

0
844

img_64d305-2902f9-209789-313880-415a91-348bc0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xusul duub ugu jirta sidii ay ugu guuleysan laheed hankeeda ah in awoodeeda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ku baahiso Bariga qaarada Afrika.

Magaalada Abu Dhabi waxaa khamiistii lasoo dhaafay gaaray hoggaamiyaasha wadamada Itoobiya iyo Masar oo khilaaf xooggan u dhaxeeyo.

Boqorka dowladda Imaaraadka carabta ayaa la sheegay in uu labada dhinac ka dhax wado dhax-dhaxaadinta ku aaddan murunka qeybsiga wabiga Niil.

Khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee ku aaddan dhismaha biya xireenka Al Nahda ee Wabiga Niil ayaa sababay in Masar ay taageerto jabhadaha hubeysan ee ku kacsan xukuumadda Addis Ababa.

Ilo wareedyo ayaa wargeyska Al Misriyuun u sheegay in imaaraadka Carabta ay gaareen R/wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo C/Fataax Alsiisi Madaxweynaha wadanka Masar.

Imaaraadka Carabta ayaa mashaariic dhaqaale oo lacago malaayiin dollar ah ku baxayso ka wadday Itoobiya ka hor intii uusan bilaabay kacdoonka shacbiga wadankaasi waxayna isku dayaysaa in Masar iyo Itoobiya ay heshiisiiso si danaheeda u dhaqan galaan.

Hailemariam Desalegn ayaa la filayaa in Imaaraadka Carabta ay islasoo qaadaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan isbedelka lafilayo in lagu sameeyo Hoggaanka DF-ka.

Bilihii lasoo dhaafay xukuumadda Abu dhabi ayaa dalkeeda ku kulminaysay siyaasiyiin dabadhilifyo soomaali ah oo la doonayso in ay xilal ka qabtaan Soomaaliya waxaana laga yaabaa in qorshahan cusub ay imaaraadku kala hadlaan Itoobiya oo ciidankeedu ay gumeystaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.