daawo Sawiro: Howlo Horumarin oo ka bilowday Garbahareey

0
559

Waxaa magaalo madexda gobalka Gedo ee Garbahaareey ka socdo olole balaaran oo lagu soo celinayo bilicda magaalada. ololahaan isgu jiro dhisme, dayac tir iyo dhul xaaqid ayaa waxaa wado dad iyagu iskood isu xilqaamay oo iskaa wax u qabso u shaqaynayo. Dadaalkaan ayaa hormud ka ah barasaabka cusub ee gobalka mudane Maxamed Muxumed. Barasaabka ayaa shaatiga u siibtay sidii u tusaale fiican ugu noqon lahaa dadka degaanka isagoo badeelka u qaatay inuu qashinka ka qaado wadooyinka magaalada. Barasaabka ayaa u muuqdo inuu la yimd dhiig cusub iyo niyad san inkastoo aan la saadaalin karin inta uu sii wadi doono.

dadka wax dhaleeceeyo ayaa ku eedeeyay barasaabka inuu shaqadiisi ilaaway farahana kula jiro shaqadii gudoomiyaha dagmada Garbahaareey. Shaqada barasaabka ayaa ah, sida ay ku doodayaan dadkaan, inuu isku xiro gobalka dhamaantiis kana shaqeyyo horumarinta gobalka oo dhan ee uusan u ekkaan hal dagmo iyo qashin aruurinteeda.

sikastaba ha ahaatee, talaabooyinka uu qaaday Mudame Maxmed Muxumed ayaa ah kuwa ku cusub gobalka, waxana horay loo bartay madex aanan la aqoon meesha ay jiraan iyo waxa ay qabtaan, marki la arakana ay dabo yaacayso maleeshiaayd hubaysan oo dadka cabsi galiyo. sidaa darteed talaabooyinkaan ayaa lagu tilaami karaa kuwa wax ku ool ah lagana yaabo inay badalaan mowqifka dad weynaha oo ay ku dhiiri galiso inay dhulkooda dhistaan cid kalana wakiil ooga noqon howlaha u yaal.

qashin1 qashin2   qashin3

 

qashin4  qashin6

suuq1

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here