wararka hadda soo dhacayo ayaa sheegayo inuu madex weyne xasan gaaray magaalada Kismaayo halkasoo uu kulan albaabadu u xiranyihiin kula jiro mudane Axmed Islaan. Xasan oo xusul duub oogu jiro dib u hanashada kursiga ugu sareeyo dalka ayaa daba hiraadayo Cumar cabdi-rashiid oo isna rabo booska. Kismaayo ayaa noqotay xarunta ay ugu imaansho badan yihiin musharixiinta madex weyne-nimo, ilaa iyo hadana waxaa yimid ilaa 7 musharax. Arintaan ayaa waxaa loo aanayn karaa in Jubbaland noqotay meesha ugu nadiifsan Soomaaliya marki laga eego xaga amaanka iyo xoriyada musharixiinta.
Xamar oo noqotay halaqyo galeen aysan cidna juq dhihi karin iyo Galmudug oo ka sogow maamul-xumo iyo wax is dabamaris, aan amaan xumo habayn la seexan karin darteed ayaa kaliftay inay musharixiinta cod u doontaan meelaha dhexdhexaadka ah.
Lama oga mowqifka dhabta ah ee Axmed islaan waxaana laga yaaba inuu qof horay u diyaarsaday ama kan ugu kiishka weyn xambaarto.