Xasan sheekh oo Kismaayo ku wajahan si looga aabaal mariyo…..

0
828

Madex waynaha soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo. Wararka laga helayo magaalada kismaayo ayaa sheegayo in safarka madex weynuhu ku saabsanyahay arimo dhowr ah oo ay ugu horayso in laga abaal siiyo siismadi uu siiyay Itoobiya dhulka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya. Waraysi uu siiyay sargaal ka tirsan ciidamad amniga Jubbaland shabagada Saadaalnews ayaa lagu sheegay in ilaa xalay la sawirayay boorar lagu muujinayo in raali laga yahay in Soomaali galbeed loo aqoonsado inay ka mid tahay Itoobiya, boorarkaas oo maanta jidadka lala soo dhooba doono si loogu raali galiyo dowlada Itoobiya.

Arintan ayaa hadi ay dhacdo sawir fool xun ka gudbin doonto maamulka Jubbaland kasoo ah in xataa Jubbaland ay mid noqotay gobolada Itoobiya. waxaa xusid mudan in warasiga lagu sheegay in madex weynaha looga abaal gudayo aqoonsigi uu siiyay gobaalkaas, abaal gudna ay bixinayso itoobiya balse meesha lagu siinayo ay tahay Kismaayo, dadka soo dhawaynayana ay yihiin Soomaali.

intaas wxaa u dheer madex-weynaha in taageero ka rabo maamulka jubbaland si dib loogu soo doorto. wuxuu si gaar ah ula hadli doonaa hogaamiyaha Jubbaland mudane Axmed islaan.

wixii kasoo kordho kala soco Humbaale News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.