Ururaka Islaamka ee Caalamiga ah ayaa sheegay inay soo gaareen cabshooyin ka imaanayo dadka muslimiinta ah. dadka ayaa sheegay in Qur’aanka lagu shubto taleefanada ay ku arkeen is badal lagu sameeyay qaar ka mid ah aayadaha, meel qaar ayaa la tirtray waloow aanan la hubin in gacantu ku dhacday iyo si ulakac ah oo loo tirtiray. sidoo kale App-kaan ayaa la sheegay in meelo badan oo Qur’aanka Kariimka ah ay ka qaldeen shaqalkii taasoo keeni karto inuu is badalo macnaha ayaadauhu lahaayeen.
Culumadaan ayaa sheegay in si taxadar loo eego Appska lasoo dagsanayo, sidoo kale waxay u digeen dadka isku dayayo inay Qur’aanka taxriifiyaan si ay muslimiinta diintooda ugu cayaaraan.