Shacabka Masar oo bilaabay inay xubnahooda iibsadaan gaajo darteed

0
511

Weerar lagu qaaday guryo lagu tuhmayay dad ka ganacsado xubnaha bini aadamka ayaa laga helay lacag aad u tiro badan, iyadoo sidoo kalana la xirxiray dad badan oo lala xariiriyay ka ganacsiga jirka aadanaha. dadka la soo qabtay ayaa waxaa ka mid ah dhaqaatiir, kalkaalisooyin caafimad, dullaaliin iyo kuwa kasii ganacsado xubnahaan. ka mid ah dhaqaatiir lasoo xira ayaa la sheegay inay ka shaqeeyaan isbitaalo waa weyn, halka qaar ay barayaal caafimaad ka yihiin Jaamacadaha ugu caansan dalka masar sida  Cairo Universiy iyo Ain Shams university oo ah labada machad ee ugu waa weyn dalka xaga caafimadka.

Qof u hadlay wasaarda caafimaadka ayaa sheegay in dhqaatiirtaan ay ka faaiidaysteen duruufaha dadka haysto ee ay keentay dhaqaalo xumida masar soo wajahday. Dhaqaatiirta ayaa u sheego inay xubnahooda qaar bixiyaan si bilaash loogu daweeyo, halka dad ka qaar ehelkooda ama caruurtooda oo ay qarash ay ku daweeyaan u waayay ay u iibiyeen xubnahooda.

waxaa xusid mudan in in badan lasoo sheegayay dad soomaaliyeed oo maydkooda la helay iyagoo xubnihii muhiimka ahaa jirkooda lagala baxay.

Masar maahan dalka kaliya ah ee muslim ah ee ka ganacsiga jirka aadanaha ka jiro. Pakistaan ayaa iyaduna arintaan aad looga helaa iyadoo dhaqaatiir dad qalatowday iyo dhagar qabayaal maal doon ah ay dadka masaakiinta ah ku gaadaan duruufaha haysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here