Ciidamada Jubbaland oo mushaarka loo kordhinayo

0
2056

Shir ay isgu yimaadeen golaha wasiirada Jubbaland ayaa waxaa looga dooday arimo ay mid yihiin mushaarka ciidamada qalabka sida iyo kuwa sirdoonka ee jubbaland. Shirkaan oo u gudoominayay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayyid Aaden ayaa la isla meel dhigay in mushaarka loo kordhiyo ciidamada si loo hanto qalbigooda looguna sahlo inay guddaan waajibaadkooda.

Shirka laguma cayimin inta lagu darayo mushaar iyo waxay horay u qaadan jireen intaba. Dadka qaar ayaa is waydiinayo in ciidamada jubbaland ay yihin kaliya kuwa joogo Kismaayo oo lagu tuhmayo inay hal beel kasoo jeedaan iyo in markaan la wada gaarsiin doono dhamaan ciidamada kasoo jeeda gobalka. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Jubbaland ayaa ah maamul talaabooyin horumar ah qaaday, jiho wanaagsana u socdo hadiisan gadaal wax ka qaldamin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.