Garbaharey: Gudoomiyaha Magaalada Garbaharey Oo Jagadiisii Qal Qal lagashay.

0
693

Waxaa ayaamahaan dambe jiray warar ka soo baxayey magaala madaxda gobolka Gedo ee Garbaharey oo sheegaya in isbadal lagu sameeyey maamulka ka jiro magaalada gaar ahaan in gudoomiyaha haatan xilka hayo Nuur Sh Muxamed Buraale la badalay.
Wararkaas oo muddo todobaad lagu baahinayey baraha bulshada ayaa waxay ugu dambayn noqdeen kuwo aan sal iyo raad lahayn oo shaqsiyaad dana gaar ah leh ay ku marin habaabinayeen bulshada dagta degmadaas isla markaasna ay ku been abuurteen madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid inuu sameeyey magacaabidaas wixina ay aakhir noqdeen wax aan iyaga dhaafsiisnayn.
Waxay ila lagu kalsoonyahay u sheegeen shabakada humbaale.com in gudoomiyaha degmada uu howlo shaqo ugu maqnaa magaalo madaxda dalka ee Muqdisho howlahaas oo qaatay mudoo kooban haatanna uu dib usoo laabtay howlihiisi shaqana uu si hufnaan ku dheehantahay u wato.

Mohamed Abdi
Humbaale news

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here