Madaxweyne Xasan Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guule

0
886

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled oo ahaa Guddoomiyaha Shirkada Somali Airlines, ahaana sarkaal ciidanka XDS oo waddanka u soo shaqeeyey, waddani ah oo howlkarnimo u sii dheertahay.
Madaxweye Xasan Sheikh Maxamud ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun Allaha u naxariisto Jeneral Maxamud Maxamed Guled oo ahaa Guddoomiyihii Shirkadii Somali Airlines. Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, Jannadii Firdowsana Allaha ka waraabiyo. AAMIIN.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled uu ahaa shaqsi jecel wadankiisa. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Jeneral Maxamud Maxamed Guled uu ahaa Saraakiishii Ciidanka XDS oo nidaamka dowladnimada ee Soomaaliya kaalin fiican ka soo qaatay.

Humbaale News

mohamed ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.