Sagal oo booqatay Garbahareey

0
701

Sagal Cabdirisaaq Isaaq Biixi oo dhawaan loo doortay kursiga aqalka hoose u matalayo dagmada Garbahaareey ayaa booqasho ku timid meeshi laga soo doortay si ay ugu mahad celiso dadkeeda. Sagal ayaa noqonayso xildhibaanki ugu horeeyay oo soo boqdo Garbahaareey iyadoo ay ilaa afar xildhibaan ay kasoo galaan dagmada.

Booqashada Sagal ayaa ah talaabo muhiim ah oo dhiiri galin doonto dadka deegaan iyo waliba xildhibaanada kale oo laga yaabo inay iyaguna ku daydaan Sagal.

Booqashada sagal ayaa cadayn u ah kala duwanaanshaha u dhaxeeyo jiilki hore kan cusub oo aaminsan in meesha laga soo doorto ay mudantahay ahmiyada koobaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here