Dagaallo ayaa weli waxeey ka socdaan magaalada Xalab iyadoo weli jiraan dilalka Saraakiisha Ruushka ka jooga dalkaas Suuriya, Dowladda Ruushka ay si toos ah u iclaamisay ciidamo looga dilay dalkaas.
Xukuumada Ruushka ayaa qiratay in Sarkaal sare oo katirsan ciidamada Ruushka ee ka hawl galaayay magaalada Xalab lagu dilay, kadib markii mucaaradka Xalab ay duqeeyeen goob uu ku sugnaa Sarkaalkaan iyo ciidamo kale.
Wararka ka imaanaayo wakaaladda wararka ee Ruushka sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Raslaan, waxaana maalintii Isniinta lagu dhaawcay furimaha dagaalka ee magaalada Xalab, iyadoona la dhigay cisbitaal balse goor dambe ayuu quur baxay.
Sarkaalkaan sare la dilay ayaa ahaa mid ahaa mid qibrad u leh dagaallada qaaska ah, dhimashada sarkaal kaan waxeey keeni in dowladda Ruushka eey ka fiirsan doonto saraakiisha eey usoo direyso dalka Suuriya.