AMISOM: Soomaaliya ka bixi mayno

0
473

Howl-galka midowga Africa ee Soomaaliya ayaa dib loo dhigay waqtigii lagu waday in lasoo afjaro. Amisom ayaa horay u sheegaty in bisha Disember ee sanada 2018 ay gabi ahaanba ka bixi doonaan Soomaaliya. Amisom ayaa waqtigaas sheegtay inay soo afjari doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab ka dib si nabad ah ay awooda ugu warejin doonaan ciidamada dowlada Soomaaliya oo hadda la diyaarinayo.

Balse arintaan ayaa la badalay iyadoo AMISOM ay ku dooday inaysan suura gal ahayn in waqtigii horay loo qabtay ay ku nabadeeyaan Soomaaliya, sidoo kalana aysan doonayn inay howl qabyo ah kaga tagaan dalka Soomaaliya oo ay dhiig badan ku bixiyeen. Sidaa darteed waxay sheegeen in ka bixitaanka Soomaaliya dib loo dhigay ilaa 2020-ka. si kasataba ha ahaatee, dadka wax falanqeeyo ayaa sheegayo inay AMISOM u baahantahay 28000 oo askari oo dheeraad ah si ay ooga adkaato AL-shabaab. balse helitaanka ciidan intaas la eg iyo qarashka u baxayo ayaan marnaba suura gal ka dhigayn inay AMISOM si fudud ku gaarto ujeedkeed ah inay gabi ahaanba Soomaaliya abad ka dhigaan, hadiiba ay ka dhabtahay.

dad badan aya tuhmayo in qorshaha ugu weyn dowladaha ciidamada ka joogaan Soomaaliya uu yahay inay lacag ku qaataan joogitaanka Soomaaliya, sida adarteed had iyo ay samaynayaan wax walba oo suura gal ka dhigi karo inay sii joogaan Soomaaliya xataa hadii ay tahay inay gacan siiyaan kooxaha ay dagaalka kula jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here