Gudiga Doorasha Dadban Ee maamul Ka Galmudug Oo qalday magac musharax u tartamaayey jagada Baarlaamka hoose Ee dowlada federal Ka soomaaliya

0
524

Abdiwali Ibrahim Garyare ayaa fariin usoo direen mid Ka mid ah gudiga doorasha isoo u sheegay inuu Ka Soo qeeb galo yoomka Bari ah si uu usoo xaadiro uguna tartamo Kursiga loolan adag loogu jiro Ee paarlamaan Ka hoose Ee dowlada soomaaliya.
Abdiwali Ibrahim Garyare ayaa Walal Ku abuurtay markii uu arkay magaciisa Oo qaldan dhinaca abtirsiimaha, Isla markii Ba waxuu fariin U diray social media ha Iyo gudiga doorashada dadban una sheegay inuu san aheen magaciisa magaca shahaadada Ku qoran.
Hadalka uu Ku qoray bogiisa Facebook ga ayaa ah sida tan.

OGEYSIIS MUHIIM AH : Farriintan ayey caawa iisoo direen guddida doorashada Galmudug. Sida ka muuqata magaca kursiga loo bixiyeyna, ma ahan mid aniga i quseeya, si taasi la mid ah ergada loo xareeyey kursigaasi ma ahan midii uu Ugaas Taakooy qoray, oo aan sida sharciga ah ugu tartami laheyn.

Sidaasi darteed, waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta ogeysiinayaa in haddii magaceyga beri laga dhex sheego xarunta doorashada, oo la yiraahdo ” Abdiweli Ibrahim Garyare” ayaa ka mid ahaa tartamayaasha, waa been aan laga xishoon, oo ay si ula kac ah u sameeyeen guddiga doorashada iyo madaxda maamulka Galmudug. Waxayna dariiqa u fureysaa in iyagana magacooda lagu been abuurto.

Guddiga doorashada qaranka iyo guddiga khilaaafaadka, ee fadhigooda yahay Muqdisho waxaa laga doonayaa inay marqaati ka noqdaan isdaba-marintaasi aan geedka loogu soo gaban. Mana aqoonsan doono wixii natiijo ah ee kasoo baxa doorashadaasi beri dhaceysa.

Ugaas Taakooy iyo musharixiinta kala ah Abdilahi Yusuf Ali, Ali Badel iyo Adam Hajji Hussein, waxaa si wada jir ah saxaafadda ula hadli doonaa beri. Haddii alle idmo.

humbaale news

mohamed ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here