Uganda oo 2745 askari oo dheeraad ah usoo dirtay xamar

0
567

Dowlada Uganda ayaa ciidamo dheeraad usoo dirtay dalka Soomaaliya si ay sugaan amniga doorashada madaxweynaha oo lagu wado inay dhacdo bilowga sanadka inagu soo fool leh. Ciidaan oo gaarayo ilaa 2745 askaro ayaa kuwii ugu horeeyay ay shalay oo khamiis ahayd kasoo dageen garoonka caalamiga ah ee Aadan cadde ee magaalada muqdisho. Ciidamadaan ayaa lagu sheegay inay sugi doonaan amniga muqdisho iyo nawaaxigeeda iyagoo ka hortagi wax walba oo carqaladayn karo habsami u socodka doorashada.

lama oga cidda dalbatay ciidamadaan, laakiin waxay dowlada soo dirtay sheegtay inay xoojinayaan howlgalka AMISOM. Doorashada madaxweynaha oo ilaa sadex jeer dib loo dhigay ayaan la hubin inay qabsoomi doonto waqtiga hadda loo qabtay si kastaba ha ahaatee ciidamadaan imaatinkooda ayaa meesha ka saari doonto sheegasho amaan xumi iyo in lagu doodo doorashadi ciidan la’aan ayaa loo qaban waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here