Waxaa jira arday badan oo Soomaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha dalka Hindia kuwaas oo barta kuliyada kala duwan waxayna ardaydaas intooda badan wax ka bartaan golobka Telegana State ee magaala madaxdiisu tahay magaalada Hyderbad.
Jaamacadaas dalka Hindia sanad walbo bishiisa labaad (feebaraayo) waxay furaan isdiwaangalinta ardayda waxayna socotaa muddo afar bilood ah isdiwaangalintaas.
Sanadkaan waxaa dhacday in mid kamid jaamacadaha ugu wayn dalka Hindiya ee u taal magaalada Hyderabad laguna magacaabo Osmania University ay walaac badan ka muujiso shahaadooyinka kala duwan ee ay wataan ardayda Soomaalida ah, taasoo loo sababeeyey in dalka Soomaaliya uusan ka jirin imtixaan heer qaran ah oo ka soo baxo wasaaradda waxbarashada taasna ay sababtay in dallado ay maamulaan iskuulada, dallad walbana ay imtixaankeeda gooni samaysato shahaado ugaar ahna ay yeelato. inkastoo sanadi u danbaysay uu jiray imtixaan heer qaran ah hadadana wali sidii la rabay wax ma noqon
Haddabo jaamacadi waxay xiriir la samaysay Safaarada Soomaalida ee fadhigeedu yahay magaala madaxda dalka Hindiya ee Delhi waxay kala hadashay sidi loo gudbi lahaa caqabataa ka jirto dhanka shahaada ugu danbayna isku afgarteen in ugu horayn shahaadada la soo mariyo Safaarada ayna soo caddayso inay tahay mid sax ah iyo inaysan ahayn, qofkay usoo ansixiso safaarada oo kali ahna inuu dhigan karo waxbarshada.
Intaas kadib safaaradi ayaa u aragtay qaab ganacsi oo ay kaga faaiidaysan karto ardayda u baahan ansixinta shahaadada waxayna ku xireen qof kasto si shahaadadiisa loo meel mariyo inuu bixiyo lacag dhan 3000 oo rupee ah oo u dhiganta ($50).
Ardaydi waxay ku qasbanaadeen inay lacagtaas la baxaan si waxooda u meel maraan arrintina ay iska noqotay “ninkaan caawinaad ka rabay miyaa calaf iga doonay” oo macnaheedu yahay safaarad waxa dal loo geeyo waa inay caawiso dadkeeda ee ma ahan inay dhaqaalo dadkeeda tabaalaysan ka doonto.
Humbaale News
Mohamed Abdi