Imisuu Madaxweyne Xasan ku bixiyay Doorashada Aqalka Hoose?

0
602

iyadoo uu musuqmaasuq iyo isdaba marin uu hareeyay doorashooyinka aqalka hoose ee ka socday dalka ayaa waxaa hadda soo baxayo meesha ay ka timid lacagta lagu kala cunay doorashada. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegayo inuu madaxweyne xasan oo xusul duub ugu jiro siduu mar kale kursiga ugu soo noqon lahaa, ku bixiyay lacag gaarayso shan milyan oo doolar doorashada xildhibaano ay saaxiib yihiin.

Lacagtaan ayaa inta badan lagu bixiyay xildhibaano laga soo doortay Galmudug iyo hirshabeele. labadan maamul ayaa waxaa ka dhacay ceeb fool xun iyo boob har cad ah sida ay sheegeen goobjoogayaal u dhuun daloolay sida ay u socoto doorashada.

waxaa xusid mudan in abaartii ugu ba’nayd ee afartan sano soo marta dalka ay soo wajahday guud ahaan soomaaliya, gaar ahaana Galmudug oo ah meesha lacagta ugu badan lagu cunay. Arintaan ayaa cadayn u tahay masuuliyad darrada madaxda Soomaalida oo waxay calooshooda galiyaan mooyee aanan dan ka lahayn dal iyo dad toona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here