Qarax xoogan ayaa ka dhacay xaafada dalxiiska ee dagmada Kismaayo. Qaraxa ayaa sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Wali lama hubo tirada rasmiga ah ee ku dhimatay qaraxa laakiin qof ku hadkay magaca maamulka Kismaayo ayaa sheegay inay dadka dhintay ay yihiin shacab kaliya wax askar ahna aysan ku jirin. Sarkaalkaan aya sheegay in meesha qaraxu ka dhacay ay ahayd meel lagu caweeyo, qaadkana lagu iibiyo. Sidoo kale wuxuu sheegay inuusan garan karin sababta loo tilmaansaday meel dad shacab ah kaliya sugan yihiin.
Sargaalka ayaa sheegay inay wadaan baaritaan lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyay qaraxa ilaa dhowr qofna ay hadda soo xireen. dad la xiray ayaa waxaa soo galay tuhun weyn qaarna lagu hayaa cadaymo sida uu sheegay sargaalku.
wixii soo kordho kala soco: Humbaale.com