Wasiirka caddalada iyo Arimaha diinta ee jubbaland ayaa booqday Magaalada London si uu ula kulmo jaaliyada Jubbaland. wasiir ayaa waxaa si wanaagsan u soo dhaweeyay jaaliyada jubbaland ee Ingiriiska oo kala yimid magaalooyin badan. Wasiirka ayaa war bixin siiyay Jaaliyada, kuna hanuuniyay inay taageeraan maamulka Jubbaland iyo horumarinta dalka.
Dadka wasiir la kulmay waxaa ka mid ahaa aqoonyahan Axmed Xirsi dheere, Mxamed Cumar cilmi (dhagaweyne) iyo Cabdirisaak Maxamed Aden (canjeex).