Xog: Madaxweynaha Galmudug oo xilka ka dagayo

0
593

madaxweynaha maamul gobaleedka Galmudug ayaa la filayaa in dhawaan uu xilka ka dagi doono. warar hoose oo soo baxayo ayaa sheegayo inuu Jaalle Guuleed wado wada tashayadii ugu danbeeyay ee xilka ku wareejin lahaa. Sababta keentay inuu Jaalle Guuleed xilka wareejiyo ayaa lagu sheegay caafimaad darro soo wajahday. Guuleed ayaa dhawaan wadnaha laga qalay iyadoo uu dhaqtarkiisa kula taliyay inuu nasto in muddo ah. Balse kuris jecyl dartiis Guuleed ma uusan qaadan taladi dhaqtar wuxuu halkiisi kasii waday shaqadiisi madaxweynenimo taasoo dhibka caafimaad darro sii kordhisay.

waxaa la filayaa inuu si meel gaar ah xilka ugu wareejiyo madaxweyne ku xigeen ka hor inta uusan sanadkaan dhamaan. Lama huba sida ay u aqbali doonaan beesha uu kasoo jeeda Guuleed in loo dhiibo xilka madaxweynenimo nin aan kasoo jeedin beeshooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here