Cabsi dagaal oo Gaalkacyo kasoo cusboonaatay

0
530

waxaa saaka mar kale laga maqalayaa magaalada Gaalkacyo rasaas goos-goos ah. Rasaasta ayaan la sheegay inay cidna wax ku noqon laakiin ay astaan u tahay inuu jabay heshiskii xabad joojinta ahaa ee horay loo gaaray. Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay jabtay xabad joojonti eedana dusha ka saaray maamulka Puntland. Dhinaca Puntland ayaa sheegay inay wali xaalada sideedi tahay Galmudugna ay doonayso inay qiil u hesho laynta dadka rayidka ah.

waxaa socdo dadaal ay wadaan gudiga xalinta colaadaha Gaalkacyo. Gudiga ayaa isku dayayo inuusan dagaal kale dib u qarxin, laakiin lama oga sida arintaan ay suuragal u noqon doonto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here