Kismaayo oo noqotay magnetka musharixiinta

0
568

Waxaa si is-daba joog ah u tagayo magaalada Kismaayo musharixiinta u taagan xilka madaxweyne ee soomaaliya. Musharixiintaan oo kasoo kala jeedo beelo kala duwan ayaa iyagoon wali booqan Cadaado, Jowhar, iyo Garawe waxay ol-olohooda ka bilaabeen Jubbaland. Musharixiinta ilaa hadda booqatay magaalada waxaa ka mid ah Cumar cabdirashiid, Madaxweyne xasan, Cabdiraxman Cabdishakuur iyo Cabdiqaadir Cosoble oo hadda ku sugan.

Sababta keentay in sidaan loogu qululo Kismaayo ayaa lagu sheegay inay keentay dhexdhexadnimada maamulka Jubbaland oo u muuqdo kan ugu daacadsan maamulada ka jira dalka. waxaa si isku mid ah loo soo dhaweeyay musharixiinta iyagoon loo eegin qabiil iyo darajo toona. sidoo kale waxaa dhamaantood fursad loo siiyay inay la kulmaan golaha labad aqal ee dhawaan la doortay si ay ugu bandhigaan danahooda.

si kastaba ha ahaatee Jubbaland ayaa hormuud ku noqotay maamul goboleeyada dalka ka jira, in badan oo ka mid ahna waxay u taamaayaan inay mar un soo gaaraan Jubbaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here