Maxay Dowlada soomaaliya ka tiri hakintii dhoofinta xoolaha…

0
549

dhawaan ayay dowlada sacuudigu ku dhawaaqday inay joojisay xoolaha soomaaliya kaga yimaado. sacuudiga ayaa ku andacooday in xoolaha Soomaaliya ka yimaado ay qabaan xanuuno badan sidaa darteed aysan munaasab u ahayn inay u ogolaadaan dalkeeda.

Wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda Soomaaliya ayaa war arintaan ku saabsan soo saartay maanta. Wasaarada ayaa sheegay inag wado dadaal looga qancinayo sacuudiga inay xoolaha Soomaaliya fiyowyihiin. sidoo kale wasaaradu waxay sheegtay in warka sacuudiga kasoo baxay uu yahay mid aan sax ahayn, xoolaha Soomaaliyna ay caafimaad qabaan.

Wasaarada ayaa sheegtay in xoolaha soomaaliya ay maraan baaritaano caalami ah oo lagu hubinayo caafimaadkooda. dhamaan baaritaanadi la mariayay ma aysan sheegin wax xanuun ah oo halis ku ah aadanaha. sidaa darteed, ayuu yiri wasiir Ciid, sheeegashada sacuudigu waa mid aan sugnayn.

Wasiir ayaa sheegay inay warqad u qoreen dhigooda sacuudiga inuu filayo inuu ka helo jawaab hufan dhawaan.

maahan markii ugu horaysay ee Sacuudigu joojiyo soo dhoofsashada xoolaha soomaaliya. waxaa horay u dhacday inay talaabooyin caynkaan oo kale ah qaadaan iyagoo soo saarin wax cadayn oo ku saabsan inay xoolaha Soomaliya jirran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here