Maamulka Gobolka Mandeera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa waxey walaac xoogan ka muujinayaan weeraro ay sheegeen in ay qorsheenayaan Xarakada Al Shabaab.

0
486

 

Guddoomiyaha Gobolka Mandeera, Cali Roba ayaa waxuu shaaciyay in ay ka walaacsan yihiin in Al Shabaab ay weeraro ka geystaan Degaano dhaca Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Guddoomiye Cali Roba ayaa tilmaamay in Xoogaga Al Shabaab ay Weerar xoogan ku qaadeen Shirkada Isgaarsiinta Safaricom, taasi keentay in lumo xiriirka Gobolka.

Mr. Roba ayaa waxuu ka digay weeraro qorsheysan oo ka dhaca qeybo ka mid ah Dalka Kenya.

Waxuu sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaano iyo Saaraakiil Ciidan oo ka soo jeeda Degaanada Gobolka Waqooyi Bari, waxaana kulamadooda ay uga hadleen wax ka qabashada amaanka.

Dalka Kenya ayaa inta badan waxaa ka dhaca Weeraro qorsheysan oo geysta khasaaro kala duwan duwan, iyadoona xusid mudan in weeraradaasi ay dhabarka u ritaan Xarakada Al Shabaab.

Maamulka mandhera oo kawalaacsan weeraro kaga imaado kooxda alshabaab waa liidka.

Khadar Mohammed Siraad.

Humbaale News: Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here