warbixin ku saabsan abaarta ka jirto gobalka Gedo

0
977

iyadoo ay ka sii dareyso daruufaha nololeed ee ka dhashey abaarta ka taagan deegaano badan oo ka tirsan obolka Gedo ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyey xaaladu waxay gaartey in dadka degan qaar ka mid ah tuullooyinka iyo dhulka miyiga ee Gobolka ay wadooyinka u istaagaan gaadiidka maraya si ay uga helaan biyo ay ku bad baadiyaan nafsadooda.
Wadooyinka isku xirta Baardheere iyo Faafax dhuun oo isu jira 84 km iyo Kurtun dhooble oo ceelwaaq u jirta ilaa 65 km ayaa ka mid ah deegaanada ugu daran ee dadku ay u taagan yahiin wadooyinka biyaha,iyagoona noocyada gaadiidka ee maraya wadooyinkaasi oo ah kuwa raf iyo boholo ah weydiisanaya Biyo kaalmo ah,waxayna sitaan dadkaasi Jirgaamada biyaha iyo Digsiyaasha raashinka lagu karsdo si ay biyo loogu shubo.
Maxamed Kureed waa Aabe qoyskiisa uu ka kooban yahay ilaa 5 ruux waxaana uu ka mid yahay Qoysas ku xoolo beelay abaarta oo degan Tuulada Kurtundhooble oo ka tirsan degmada Ceelwaaq,waxaana Radio Markabley uu u sheegay muddo 15 maalin ah in ay xaalada Biyo la,aanta ay ka sii dareyso,isagoo sheegayna tobanaan ruux oo uu ka mid yahay maalintii muddo dhan ilaa 6 saacadood in ay wadooyinka u taagan yahaiin Gaadiidka maraya si ay biyo uga helaan.28 neef
Xasan Aden muxumed waa Aabe 55 sanno jir ah ,qoyskiisana ay ka kooban yahiin ilaa 8 ruux,waxaana uu ka mid yahay qoysas ay baartu la degtay,waxaana uu degan yahay miyiga gelgesha cabdi kheyr oo faafaxdhuun u jirta ilaa 25km,waxuuna ii sheegay daruufaha biyo la,aanta halkaasi ka taagan darteed inay ku qasabtey isaga iyo ilaa 4 qoys in muddo 10 maalin ah wadada ay u taagan yahiin sidii gaadiidka maraya wadada ay uga heli lahaayeen biyo.
Aden shuqul nuunow waa Gudoomiyaha deegaanka Faafaxdhuun waxuuna Humbaale News u sheegay xaalada nololeed ee dadka deegaanka ay taagan tahay meel halis ah,isagoo sheegayna.

Qadar mohamed Siraad

Humbaale News: Kismaayo

Kalasoo xariir: Humbaale12@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.