Madaxweyne ku xigeenka koobad ee Jubbaland Mohamuud sayid adan oo shir jaraaid ku qabtay magalada Kismaayo aya faah faahin ka bixiyay dagaalka dhexmaray ciidanka darawiishta Jubbaland iyo Alshabab.
Dagaalka oo ka dhacay cabdile birool oo qiyaastii magalada Kismaay u jira 50km ayaa ku bilawday khilaaf gacan ka hadal dhaliyay oo dhexmaray Alshabaab iyo reer guura diiday ina xoolaha kasiiyan zakawata ama zakada .
Dagaalka ka dhex qarxay dadka reer miyiga ah iyo Alshabab ayaa bilawday kadib markii alshabaab xoolihii xoog ku qaateen xoola dhaqatadii ayaa iska caabin sameeyay in kasto alshabab ku awood badane xoolihiina kaxaysteen.
Madaxweyne ku xigeenku waxuu inta ku daray inuu gaadhay goobtii dagaalkana ku biiray gurmad ciidamada Jubbaland kuna guulaystay inay alshabaab ka soo furtaan xoolahii reer miyiga ka dhaceen.
Ugu dambayntii madaxweyne ki xigeenku waxuu sheegay inay magacaaben gudi qiimayn ku samaysa khasaari sooo gaadhay dadka xoolaha laga qaaday wararka humbaale online isha ku hay.
humbaale news:
mohamed ahmed